Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Fariimo Jaceyl Oo Daadids Ah Qatar Ah ! U Dir Gabar Kaliya

Damacaa ku qaadee
Dooqaagu waa doolar
Dan kaama lihiyee I daa
Doqon aan jeclaaday
Dahab hadii lagu raro
Doolar iyo diinaar
Dan kaama lihiye
Dooni mid kale
Doqon lama dugaashee
Da.yer baan ahee I daa
Duduubey hadalkaaga
Ducaan duqowda weydiisan
Danihii aan laha
Dartaan baan u gubay
Ku diidey aniguye
Kurbo caashaq kaama lihi
Kol horaan ku diidey
Kulan kuuma quuree
Kobtaada I maqashii

Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadad wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u hayaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan &
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo nayaaa kkkkk
inkastoo nabdiga iyo
niyadayda kugu qoray,
inkastoo ku naadshoo
kugu soo noq noqon jiray,
markii aad nasteexiyo naxariisba
gooysaa naftu kaa galgalatay,
anigoo naceeb iyo naxli aanu
igu jirinnaso waan ku daayee
nabsigeygu kuma helo
inxun eebe kuma bado,
nabadiino inanyahay
koley nooli kulantee,
hadii aan naruuriyo
shalay idhi naqbaa tahay
maantana nalbaa tahay
iyo nuurka aragtida,
nasab qaaliyaa tahay
qof nafloo horaa tahay
hankaa naaga dheeratahay,
anigoo naceeb iyo
naxli aanu igu jirin
naso waan ku daayee
nabsigeygu kuma helo
inxun eebe kuma bado,
nabadiino inanyahaykuley nooli kulantee……..