Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Taariikho

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka
Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.
60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo  5% oo ah dad Kaluumayato ah.

khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (
Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.
Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).
Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.

Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala  oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.
Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).
Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.
Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:
  • Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
  • Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
  • Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
  • N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
  • Iyo gobolada  Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.
shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.
Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.
Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.
  1. Gobolka Banaadir.
ShingaaniHodanHowlwdaagShibis
BoondheereYaaqshiidKaaraanXamarJabjab
XamarweyneCabdicasiisWadajirWaaberi
WardhiigleyHeli waa DharkiinleyDayniile
Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga. 
   2.  
Gobolka Shabelada Dhexe.
Jowhar BalcadCadale
Aadanyabaal  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
  
3.   Gobolka Hiiraan.

BeledweyneBuuloburteJalalaqsi
Matabaan  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

    
4.   Galguduud.

Dh/mareebCaabudwaaqCeelbuur
CeeldheerCadaado 
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

    
5.   Gobolka Mudug
GaalkacyoHobyoJariiban
Xarar dheere.Galdogob 
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

    
6.   Nugaal.
GarooweEylSinujiif
BoocaneRabaableBurtinle
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
  7.   Gobolka Bari.
BoosaasoQandalaIskushuban
BandarbaylaCaluulaQardho
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.
  8.   Sool.
LaascaanoodXudunCaynabo
Taleex  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
  9.   Sanaag.
CeerigaaboLaasqorayCeel afweyn
BaranBuraan 
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.
 10.   Togdheer.
BurcoOwd weyneSheekh
Buuhoodle  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.
  11.   Gobolka waqooyi galbeed.
HargeysoBerberaGabiley
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
12.   Gobolka Awdal.
BakiBoorameSaylac
Lug haya.
  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
13.   Gobolka Sh/hoose.
MarkaBaraaweQoryooley
AfgooyeWanlaweynKurtunwaarey
Sablaale.  
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
14.   Gobolka Bay.
BaydhaboBuurhakabaDiinsoor
UfurowQansax dheereBardaale.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
15.   Gobolka Gedo.
GarbahaareyLuuq ganaaneDoolow
Beled XawoCeelwaaqBaardheere.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.
16.   Gobolka Bakool.
XudurWaajidYeed
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
17.   Gobolka Jubada Dhexe.
Bu'aaleDajuumoBaardheere
SaakowJilib 
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu'aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.
18.   Gobolka Jubada Hoose.
KismaayoAfmadowBadhaadhe
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo'da.
Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.
Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.
Xamar247kmBaydhaboXamar550kmDhuusomareeb
Xamar111kmMarkaXamar1600kmHargeysa
Xamar90kmJowharXamar1220kmLaascaanood
Xamar335kmBeledweyneXamar925kmGaroowe
Xamar485kmBu'aaleXamar1505kmBoosaaso
Xamar500kmKismaayoXamar1800kmBaki
Xamar430kmXudurXamar1340kmBurco
Xamar505kmGarbahaareyXamar1450kmCiiregaabo
Xamar750kmGaalkacyo 
Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.
Muqdisho30kmAfgooye Afgooye164Buurhakaba
Buurhakaba66kmBaydhabo Baydhaba150kmLuuq
Baydhaba155kmXudur Luuq 80kmDoolow
Luuq69kmGarbahaarey Garbahaarey129kmBaardheere
Baardheere195kmBaydhaba Baardheere260kmJilib
Jilib114kmKismaayo Kismaayoq139kmAfmadow
Kismaayo195kmDhoobley Muqdisho113kmMarka
Marka193kmBaraawe Baraawe168kmJilib
Muqdisho95kmJowhar Jowhar121kmBuuloburte
Buuloburte116kmBeledweyne Beledweyne45kmFeerfeer
Jowhar140kmCadale Cadale185kmCeeldheer
Ceel dheer162kmCeel buur Ceel buur110kmSindago
Sindago164Beledweyne Sindago220kmGaalkacyo
Gaalkacyo256kmHobyo Gaalkacyo260kmGaroowe
Garoowe219Eyl Garoowe222kmQardho
Qardho258kmBoosaaso Qardho221kmBandarbayla
Iskushuban280kmCaluula Caluula40kmBareeda
Caluula105kmBaargaal Garoowe132kmLaascaanood
Laascaanood141Ceeldhaab Ceeldhaab255kmCeerigaabo
Ceeldhaab120Burco Burco148kmBerbera
Hargeysa177kmBurco Hargeysa70kmGebiley
Gebiley52kmBoorama Boorama269kmSaylac
Saylac21kmLowyacado Xudur115kmYeed
Xudur242kmBuuleBurte    
Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.
Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:
            Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo'da oo iyagu la'isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
            
1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
             2. Lo'da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.              3. Riyo
riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.              4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.
              Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:
Magaca
inta ay ku bislaato
Galayda90 beri
Masagada90beri
Sisinta90beri
Muuska180beri
Digirta80beri
Yaanyada80beri
Babayga90beri
Bataatiga180
Lowska120
Canbaha6sano
 Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.
HohobMareerGudDhafaruurDhuwanOntoro
DeegaanDhebiGobMiracasTukeLalmiMurcood
KobashAskaxShanfaroodBardeDhamaagQoone
  Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo 
   
Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.
     magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.
Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah"                 1.     26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
                 2.    
1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
                 3.     
1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
                 4.     
12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
                 5.      
8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
                
6.      5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
                 7.     
27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
                 8.     
15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
                 9
.     bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.                10.    20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
                11.   
21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
                12.   
16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
                13. 
  1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
                14.   
1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
                15.    
1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
                16.   
Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
                17.   
Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke.
                18.   
bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre
                19.  
Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
                20.  
Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
                21.  
Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
                22.   
Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
                23.    
Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.



Qoraa:Yasin Hussein mohamed
E-mail:jaaw44@hotmail.com

maxaad ka taqaanaa Ganeral maxamed siyaad bare in shaa allaah waxaan idin soo gudbindoonaa taariikh nololeed kiisa oo dhameys tiran hadii alle idmo
DAAWO QEYBO KA MID AH SAWIRADIISA




GEOGRAPHY AND POPULATION

18-ka Febraayo Xasuusta taariikhdii Isbahaysigii‏




18-ka Febraayo Xasuusta taariikhdii Isbahaysigii Ladagaalanka Argagixisadda, Taariikh cibro qaadasho u baahan iyo Ciribtii dagaal oogayaasha, Khudbooyinkii iyo qodobaddii ay soo bandhigeen (Taariikh Kooban)

W/D: Yasin Hussein Mohamed
jaaw44@hotmail.com
Waxay aheed maalin xasuus gaar ah laheed kadib markii wariyayaal badan oo aan kamid ahaa la isugu yeeray xarunta uu magaaladda Muqdisho ka daganaa hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile maalintaas ayaa ku beegneed 18-kii Febraayo ee 2006 maanta oo kale oo hadda laga joogo laba sanadood.

Waxaa halkaa ka soconayay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xarunta Wasiirkii Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsanaa Wasiiradii xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysanaa xiligaas ayna ka mid ahaayeen Wasiirkii Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirkii Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirkii dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirkii Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), iyo xuno ka mid ahaa ganacsataddii Gobolka Banaadir oo kala ahaa Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, & Ciise Cusmaan Cali waxaana sidoo kale ka soo qeb galay Guddoomiyahii xisbiga siyaasiga ah ee Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xirsi. iyo nin markaa ku cusbaa masraxa siyaasadda ama qabqablayaasha magaaladda Muqdisho waa Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyadoo ay gadaalna kaga soo biireen Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid iyo Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo tiradda isbahaysiga gaarsiiyay ilaa 11 xubnood halka ay 9 xubnoo ahaayeen kuwii aas aasay ee ku dhawaaqay.

Ujeedadda Kulankaa ayaa ahaa in halkaa looga dhawaaqo isbahaysi ay ku mideysanyihiin inta badan Hogaamiye kooxeedyaddii xiligaa hubka iyo taageeradda badan ku lahaa magaaladda Muqdisho iyo qaar kamida ganacsatadda Gobolka Banaadir kaas oo isla maalintaasba dhidibada loo taagay looguna magac daray Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisadda iyo soo celinta nabadda.

Waxaa dhanka kale isla maalintaas bilaawday dagaalkii u dhaxeeyay Isbahaysigii cusbnaa iyo waliba gollaha Maxaakiimta islaamka iyadoo la maqlayay rasaas iyo madaafiic ay is weydaardaarsanayeen ciidamadda isbahaysiga gaar ahaan maleeshiyadkii Maxamed qanyare iyo Gollihii maxaakiimta islaamka.

Inta badan dadku waxay aad ula yaabeen ama cabsi ku abuurtay hogaamiye kooxeedyadda isbahaystay iyo sida looga adkaan karo iyadoo markaana dadku ay wada saadaalinayeen in la weyn doono awood ishortaagta hogaamiye kooxeedyadaas oo iyagu ahaa kuwii ugu hubka badnaa magaaladda Muqdisho.

Hadaba waxaa isla maalintaasba hadlay oo war siiyay saxaafadda Gudoomiyihii gollaha Maxaakiimta islaamka Sh Shariif Sh. Axmed oo sheegay in ay dagaal kaga hortagi doonaan " Isbahaysiga Sharta iyo Sheydaanka insha allah wey jabbi doonaan iyagaana ka shalaan doona waana Ashahaado la dirir" ayuu yiri Sh. Shariif

Maanta oo kale sanadkii 2006 waxay aheed taariikh iyo isbadal la yaab leh ee soo mara dalka Soomaaliya tan iyo intii xukuumaddii Milatariga laga saaray dalka, iyadoo dhamaan xubnihii ku bahoobay isbahaysigii ladagaalanka argagixisadda laga eryay goobihii ay ka talinayeen lagalana wareegay hubkoodii waxaana intaa sii dheereed in qaarkii ku jiray dowladda KMG ah iyana laga xayuubiyay xilalkoodii intaas oo dhan waa taariikh u baahan cibro qaadasho maadaama dadkii awooda isbadi jiray dharaar cad cagta cagta loo saaray lagana ceyriyay fariisimahoodii.


Hadaba waxaan rabaa in aan idin soo xasuusiyo ku dhawaaqistii isbahaysiga ladagaalanka argagixisadda iyo qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen hogaamiye kooxeedyaddii iyo qaar kamid ahaa ganacsatadii M/Muqidisho.
Qoraal Saxaafadeedkoodu waxa uu u qornaa Sidan:

1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku qoran yihiin, waxaan nahay Isbaheysi Soomaali ah oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada & la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah ( Counter terrorisim) ee wadankeena joogt & kuwa u kaalmeynaya dembiilayaasha ajnebiga ah.

Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono dib u dhiska wadanka, sida iskuulada, isbitaalada, masaajida & taakuleynta culumaa'udiinka, waddooyinka, siinta biyo nadiif ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la hormarinayo.

2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil, jufo ama qoys kama soo horjeedno, mana metelno reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo badan oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada & sharci darrada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal nabadgelyo leh wadankeeda & caruurteena, howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.

3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo aanu u wadajirno sidii looga shaqeyn lahaa danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn mustaqbalka qoysaskeena.

4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan waa in aan u midoownaa sidii aan dalkeena hooyo uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga soo nacay, fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in ay na burburiyaan, xorriyadeeniina lumiyaan.

5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka, kuna dhimanaya hadduu ALLE Idmo oo aaminsan ALLE & Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis korkiisa ha ahaateen, mana aqbaleyno in iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo dalkeena & dadkeena si guracan.

6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay bulshada muddooyinkan dambe ka dhex-muuqdeen iyagoo isku muujinaya in ay shacabka nabadgelyadiisa ka shaqeynayaan, ayna ku dhex wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda dembiyada ka soo galay.
Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto dalkeena maadaama aysan ku noolaan karin dal uu sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka soo carareen.

Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo isticmaalo qarbudaad & in lagu fuliyo afkaaro aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka bini'aadamka ee nabadgelyada ku dhisan.

Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan aadna u fool xun oo lagula kacayo ciddii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn fikradaha kulul ee argagixiso-nimo, dilalkaas waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, ciddii wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo laga xalai jiray, hase yeeshee inkastoo ay is qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa sharciga haddii ALLE Idmo.

Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo isugu jira culumaa'udiin aan aaminsaneyn in dil & burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano, saraakiil & waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii la leeyo waa loo jeedaa waxa lala damacsan yahay wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka aan la xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo aqoonsado hoy argagixisadu ku noolaan karto, sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la kulmo, sida annagoo xorriyadeena ku weyna.


Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee weligeen horay wadankeena looga arag waa in meel aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah lagu aaso miinooyin, si nolosha dadka loo argagax geliyo, waxaa iyadana la arko bambooyin mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu qarxinayo magaalada dhexdeeda iyadoo la doonayo in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa kaloo calaamadooda ka mid ah in ay bambooyin ku tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo sheeganaya anshax toosin, hase yeeshee waxaa la wada ogsoon yahay in aan ciddina baneysan karin dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin maxkamad la wada aqoonsan yahay.

Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah:-

1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha xag jirka ah ee ku been abuuranaya magaca diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah.

2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan Soomaaliya oo dhan kuwa biira-qaatayaasha ah oo taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo siinaya meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga & waxyaabaha wax lagu qarxiyo

3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim ah, diintoodana aan cid kale wax ugu dhimin, iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka ayaa ah diin la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku dilo, laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo gaaray rag afkaaro xag jira xambaarsan kuna gambanaya diinta Islaamka.

4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna caanbaxay in dalka Soomaaliya ay joogaan argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo dhibaatooyin kala duwan oo dhimasho keenay ka soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.

5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer & dabagalna ku sameynay aragnayna sida macna darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka, saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii & indheer-garatadii in inta hartay la daba-qabto, kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan afkaarta dhoofiska ah.

6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena Soomaaliya maanta oo uu ku sugan yahay marxalado qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin abaaraha & macluusha & kuwo bini'aadamku sababo sida dagaalada & nabadgelyo darrida, miyuu dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo dalalkooda ama wadamo kale dembiyo ka soo galay, kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya.

7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa taageero & in gacan laga siiyo sidii sharcigii & kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo celin lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah ka galno caalamka intiisa kale oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.
|
Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaan soo jeedineynaa qodobadaan:-

1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga meel looga soo wada jeesato, lagana foojignaado waxyeeladooda.

2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo duubtay ay soo wargeliyaan Isbaheysiga meesha ugu dhowl.

3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo waxyeelo geysanaya haddii ay arkaan.

4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan in Islaamka ay ka xaaraan tahay in uu wax argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci ah aysan xukumin.

5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib uga fikiraan waxyaabaha loo sheegay oo ay ka mid tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo idinla mid ah oo aysan garaneyn waxa uu ka haleeyey Islaamka.

6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka argagixisada ee sida qof loogu dhaco gurigiisa laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in howshaasu tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab mudanayo.

7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada wadankeena ay ka tanaasulaan nidaamkan qatarta ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto dhibaatooyin ka culeys badan waxa ay maleysan karaan.

Hakaan ka aqriso qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen qaar kamida xubnaha isbahaysigii Ladagaalanka Argagixisadda iyo wixii ay ka yiraahdeen.

Max'ed Qanyare muxuu yiri ?!


"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la yiri aqoonyahanadeey dileen, shaqsiyaadkaasina waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo rogayaan dalka oo la mid ah Iiraan & Daalibaan oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara ma lahan, waxey furteen maxkamado, afkeeyo duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma jirto, fikirkaan annaga ayaa iska leh, balse fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda laga keenay sida bariiskii & baasatadii, waxaana la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay yiraahdaan argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama Bin Ladin, Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan, annaga dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto, damiirkeena & shacabka Soomaaliyeed rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray, Muqdisho & agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan & hay'adihii wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada Soomaaliya waa la caawiyaa laakiin Muqdisho waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"

Muuse Suudi muxuu yiri ?!


"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu daboolanaayo , muslim ayaan nahay, Islaamka in wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay nimanka saraakiisha & aqoonyahanada inta guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare, Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa gurigiisa loogu dhacay, waxaan ku midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan aragnay in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya madaxa laga goynayo, annaga nimankii hubeysnaa ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee naga maqal, idinka saxaafadda ah waxaan ognahay in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma jiraa weriyeyaashiina hal nin oo inta aan la soo hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid waan dagaaleynaa aan niri maan leenahay, dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay ma yara, annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo guryaha dadka ugu dhici kara oo tababar buuxa dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii & dhibaatadii dalka ka dhacday cid u soo gurmata ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka towbad keenta waan soo dhoweyneynaa.

Cumar Filish muxuu yiri ?!

"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen dad badan oo la dilay, balse nasiib darro cidda dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka duwan wixii horay dalka uga dhici jiray Muqdisho & Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub dalka & dalka, kana timid shisheeye, haddana shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan in aan ka soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena annaga oo la kaashaneyna ummadda Soomaaliyeed, waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta leh"

Ganacsade Bashiir Raage muxuu yiri ?!


"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa ka soconeysa, waxaanan la hureyn in la sheego runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu tegayo berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee manhajkan aan la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa nimankaas, annagu waxaan nahay dad Muslim ah ku dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana dooneyno nimankaan cusub ee howsha soo galay ee loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan argagixiso, waxaana aaminsanahay dariiqada suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee waxaan u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal, waxaan u midoobeynana aan iyaga iska dhicinaa, huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada berjo mid u dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa oo aan laga baaqsaneyn nimankaan Wahaabiyada la yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan u naqaan culimadaan suufiyada ah, waxaan ka soo horjeednana waa Wahaabiyada, Xamar na waa lagu kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon doonaa, marka ciddii rabta ALLAAHU maa balaqto in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna dhabarkeenaan ka fiirineynaa"

Xubnahan maanta isu tegaya ayey warar ku dhow dhow sheegayaan in kulankooda ay ku shaacin doonaan in ay wax ka qabanayaan Ammaanka gobolka Banaadir & sidii loogu furi ahaa kaabayaasha adeega bulshada, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in xubnahani ay doonayaan in ay dhisaan hay'ad qaabilsan la dagaalanka argagixisada

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

C/qeybdiid oo isagu mar danbe ku soo biiray isbahaysiga 16-4-2006-da ayaa isagana gadaal ka sheegay

Cabdi Qeybdiid muxuu yiri ?!


“Waxay ila tahay sadar muuqda su’aal ka dhan waxaa ii muuqday mudadii labada bilood aheyd ee la soo dhaafay dhaqamada cusub ee argagaxisadu ay la soo baxday ayaan go’aansaday in aan ku biiro isbaheysigan si dalka iyo dadka looga qabto dhibaatada ay Al-itixaad iyo shisheeyaha ay qarinayaan ku hayaana shacabka ” ayuu yiri Qeybdiid oo iska fogeeyey in arrimo la xirira dhinaca dhaqaalaha uu ugu soo biiray Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada, isagoo sheegay iin cidii lacag la siiyaa aanay diideyn balse ujeedadiisu tahay inuu guto waajib ka saaran wax u qabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

1)- Mudane Max’ed Qanyare Afrax
2)- Mudane Muuse Suudi Yalaxow
3)- Mudane Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
4)- Mudane Cumar Maxamuud Max’ed Filish
5)- Mudane Bootaan Ciise Caalin
6)- Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
7)- Mudane Bashiir Raage Shiiraar
8)- Mudane C/rashiid Shire Ilqeyte
9)- Mudane Cabdi Nuurre Siyaad
10)-Mudane Cabdishukri Cali Xirsi
11) Mudane Ciise Cisman Cali

Dagaal Adag oo lala galay Isbahaysigaas ay ku dhawaaqeen inta badan Hogaamiye Kooxeedyadda ayaa sababay in ay waayeen taageeradda dadka iyadoo xitaa la waayay maleeshiyaad u dagaalama iyadoo sidoo kalena awoodi waayay in ay isku gurmadaan waxaana ay horey u sheegeen in ay si wada jira ula dagaalami doonaan dadkii ay ku sheegayeen argagixisadda iyo iyagoo ku balamay in la isku soo gurmado balse waxaa la waayay mid mid kale garab siiya ama u gurmadda.


Maxamed dheere
Dagaalo badan oo soo laab laabtay ayaa looga wada awood roonaaday iyadoo layaabkuna uu noqday in hubkii ugu badnaa uu iyaga gacmahooda ku jira balse markii danbe mid mid xilka looga tiriyay oo hubkoodii lala wada wareegay iyadoo Ninkii isbahsyiga hoygiisa lagu aas aasay Maxamed Qanyare Afrax uu u baxsaday dhanka Jowhar hoygiisiina looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah. sidookale Bootaan Ciise iyo Cabdi Waal, halka Bashiir Raage iyo Muuse Suudi-na la sheegay dooni ay ku baxsadeen halka intii soo hartayna la waayay meel ay ka baxeen oo qaarkood qarsoodi ugu cararay dalka.

Cabdi shukri

Sidaas loogama harine ilaa jowhar waa looga daba tagay halkaas oo dabeeshii isbadalku ay gaartay ilaa gacanta lagu dhigo inta badan goboladda Koonfurta ay iyagiina maciin bideen qaarkood dowladdii ay hortaagnaayeen taasoo ugu danbeyntii iyagoo xubno baarlamaan ah kuraastii Baydhaba ku fariisteen, halka qaarkoodna laga sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen wadamo kamida afrika, waxaase intaa sii dheereed in dowladda Kenya ay qaarkamida ka musaafurisay dalkeedii.


Intaas oo dhan waxay u eheed cibro qaadasho maadaama raggii isla weynaa oo markii ay marayaan wadooyinka magaaladda Muqdisho ama goboladda ay ka taliyaan tobanaan Tikniko ah lagu waardiyeen jiray ay ciribtodii sidaa noqotay ugu danbeyna dhuumasho galay waxaase sii wanaag badnaan laheed in lagu soo maxkamadeeyo danbiyaddii ay umadda iyo dalka ka galeen.

Haatan wax walba waa ay isbadaleen laba sano kadib wadankiina cadow ayuu gacanta u galay taasoo eeda ugu badan ay leeyihiin ragaan hogaamiye kooxeedyadda ahaa oo iyagu mas'uul ka ah xasuuqa shacabka iyo waliba danbiyo kaloo farabadan.

Wali waxaa jira dad aan ku cibro qaadan iyadoo lawada ogsoon yahay in aan awood looga adkaan hogaamiye kooxeedyadaas balse ay ku dhacday caro alle iyo iyagoo awoodi waayay in ay isdifaacaan hub kastoo gacantooda ku jiray dadbaase ilaa hadda wadadaas haya oo wadankii cadow u soo hogaamiyay balse illaah ayaan ka rajaynaynaa in uu xaqa tusiyo kana tanaasulaan.

Natiijada doorashada somaliland heer qaran heer degmo,heer gobol

soyaaka somalia

qaybta 3d Sooyaalka Somalida maxaa....... { 24 Feb 2009}
waxaa la daabacay Tue 24 Feb 2009 18: 10: 36
sooyaalka Somaliya maxaa saboolka ka yelay?????????Somaliya iyo xabashida ?????????goorma????????xaggee????
Sidii aad ku akhrisatay qaybihii hore taxanaha taariikhda faca weyn ee Somaliya, gaar ahaan saldanadihii Somaliyeed ee jiray intii u dhaxaysay qarniyadii 7ad iyo 15ad, waxaa jiray dagaal aan kala go' lahayn oo u dhexeeyay boqortooyadii xabashida saldanadaha Somalida.


Dadka iyo degmooyinka faraha badan oo dagaalkaas sida tooska uga qaybgalay inta qoraal sugan lagu hayo waxaa ka mid ah: Xarla, Geri, Weyteen, Awdal, Saylac, Harar, Adari, Nogob, iyo Dawaro. Waxaa kaloo ka mid ahaa kuwa badan oo aan maanta la aqoon, laakiin ay caddahay inay soomaali ahaayeen, sida: Moora, Gabal, Warjeex, Wargur, Hagar, Hargaya, Gaatur, Shawa, iyo Gadaya-geri/ guray. Sida ay muujinayaan  caddaymo la hayo oo ah qoraalladii xilligaas, qabiilooyinkani waxay ahaayeen Soomaali(facyaashii Tiirri-Dir-Jabarti) , inkastoo qorayaasha Geeska Afrika ay arrintaas, kas ama kamma u agmareen misna waa xaqiiqa jirta oo wali nool.


Dagaalladaas oo intoodii badnayd Somalidu ku gacan sarraysay, isla markaasna si xun loogu jabiyay xabashida, ayaa nasiibdarro waxaa dhacay khilaaf soo kala dhex galay saldanadihii iyo maamulladoodii, muddo aan soddon sano ka yarayn ayay waxay ku jireen xaalad murugo leh oo kala qaybsanaan ah, sida uu ku tilmaamay Al-Cumari, oo ay Qaahira ugu warrameen culamo reer Saylac ahi. Xabashidu waxay ku guulaysatay inay xiriir la samaysato rag doonayay inay xukunka boobaan isla markaasna ay ku maal galiso ciidan iyo hub fara badan.


Halkaas ayaa iska hor imaad siyaasadeed oo hubaysani ku dhex maray waxayna dhinacyadii Xabashidu taageeraysay qabsadeen Shawa, G/Baali iyo Hadiya. Amiirradii laga itaalka roonaaday waxay u qaybsameen qaar la macaamilaya Xabashida iyo qaar doonaya in dagaal lagaga soo dhacsado dhulka ay qabsatay.

Qof kasta oo doonaya inuu xukunka boobo wuxuu u tagi jiray boqorka Amxaarada. Taasi dagaal sokeeye ayay Awfaat u horseedday bilowgii 1360kii. Xilligan waddaniyiinta waxaa hogaanka u qabtay Xaqqud-Diin iyo Sacduddiin.Labadaa wiil waxaa lagu colaadin jiray aabahood Axmed Cali Sabruddiin oo xiriir dhow la lahaa boqorka Xabashida. Xaqquddiin II ayaa xukunka kala wareegay awoowgii Cali iyo adeerkii Malasfax 1363kii. Xaruntiisa wuxuu u raray Wagal oo u muuqata B/Awfaat. Awfaat oo noqotay soohdin, dib uma samaya qaadin. Intaanu ku shahiidin goob dagaal 1373, Xaqquddiin, oo ahaa geesi laga heybeysto, wuxuu Xabashida ku qaaday inka badan 20 duullaan.Soddonkii sano ee ku xigay xukunka waxaa hayay Sacduddiin. Wuxuuna xabashida ku qaaday dagaaallo aan kala joogsi lahayn oo laga dareensanaa Yurub iyo dunida islaamka. Abaanduulayaashiisa waxaa kamid ahaa Asad, Moxamed iyo imaam Cali Saciid oo ka mid ahaa awoowayaashii Gadabuursi.

Ugu dambayntii xabashidu si weyn ayay isu soo abaabuleen. Si weynna waxay sannadkii 1403dii u jabiyeen saldanadihii Somalida. Sacduddiin waxay dileen asagoo qoslaya oo ashahaadanaya. Maqriizi wuxuu xusay qof ama kuwo khaa'in ahi inay xabashida tuseen suldaanka. Afar ka mid ah wiilashiisa, Sabruddiin II, Mansuur, Jamaaluddiin II,iyo Axmed-Badlay, ayaa xukunka iska baddalay. Kulligood dagaallo aan horay loo arag ayay ku qaadeen xabashida. Mararka qaarkood waxay gaarayeen gudaha Amxaarada. Nagaash Yisxaaq, wuxuu marmar soo rogaalcelinayay weerarro xoog leh. Sannadahaas ayay ahaayeen marka uu sheegay inuu jabiyay Soomaalida. Taasi waxay u muuqataa 1425, markaasoo uu suldaan Mansuur iyo walaalkii Moxammed ku qabsaday goob dagaal.Yisxaaq laftigiisa 5 sano ka dib ayaa la dilay.

Wuxuu ugu danbeeyay3 nagaash oo lagu dilay goob dagaal xilligii reer S/Diin. J/diin, oo ahaa nin cadaaladda ku dheer, maxaabiistii uu xabashida ka qabtayna ay buuxiyeen dalalka islaamka, ilma adeertii ayaa ka maseyray oo dilay1432. Badlay oo baddalay, asagoo olole ugu jira inuu burburiyo Xabashida, ayaa 1445 lagu dilay goobtii Cayn faras ee G/Dawaro.Xilligii Khayruddiin Badlay, 1445-1472; Shamsuddiin, 1472-88, iyo Moxammed Abuu Bakar,1488-1518, dagaalku waa sii socday, inkastoo loo heysto inay ka qaboobaayeen raggii ayaga ka hurayay. Laakiin 1471kii  hogaaminta ciidammada waxaa la wareegay abaanduulayaal madax bannaan oo isbaddal doon ah. Waxaa ugu magac dheeraa garaad Maxfuud(1491-1517), oo 26 sano Xabashida ku qaadayay dagaallo aan hore loo arag. Xilligiisii labo nagaash ayaa lagu dilay goob dagaal. Garaadkana waxaa lagu dilay July 1517 goobtii Dalmiida ee G/Dawaro.
qaybta 4d Sooyaalka Somalida maxaa....... { 08 Mar 2009}
waxaa la daabacay Sun 08 Mar 2009 16: 54: 01
saboolka ka yeelay??????????????
ISBADDAL IYO HOGAAMIN CUSUB:

Geeridii Maxfuud waxaa ka dhashay dagaal sokeeye. Suldaan Moxammed oo lagu eedeeyay inuu ka soo cararay goobtii lagu dilay abaanduulihiisa, hal sano kadib ayaa la dilay. Labadii sano ee ku xigay shan ka ah madaxdiihoggaanka haysay ayaa midba midka kale shirqool dil ah u dhigay. Ka hor muddo yar Intii aan la dilin garaad Abuun oo ka tirsanaa isbaddal doonka sannadkii1525kii ayaa ahaa ninka dadku u arkayeen in uu cadaalad ku xukumayay. Shacabka badankiisu wuxuu taageersanaa xukunkii hidda raaca ahaa ee reer Wali Asmac, oo xilligaas gaabis noqday. Axmed Ibraahim Al-ghaazi oo 19 jir ah ayaa la wareegay hogaaminta Isbaddal doonka. Abuu Bakar Moxammed oo dib loogu dhiibay xukunkii degaankooda ayuu la galay dagaal sokeeye kana guulaystay sannadkii 1526kii.

Inkastoo marar badan Somalidu ku guulaysanayeen halgankooda, haddana ciidan joogta ah ma dhigi jirin meelaha ay xoreeyaan. Taasi waxay wiiqday dhammaystirka guushooda. Ciidan joogta ah ayay amxaaradu dhigi jireen goobahooda difaaca, inkastoo aanay magaalooyin samayn jirin. Xaruntoodu waxay ahayd saldhig wareegaysta oo loo raro hadba halka dagaal ka socdo. Somalida waxaa lagu soo weerarayay xarumo joogta ah oo reermagaal ama beeralay ah. Ciidanka xoola dhaqatada ka imaanayayna, goobtaas ka dib way kala tagi jireen. Arrimahaas taaktiik xumada ah ayaa hortaagnaa in Soomaalidu si joogta ah uga guulaystaan amxaarada ama soo dhacsadaan dhulkoodii lumay.


Imaam Axmed Gurey oo 1526kii bilaabay ka hortagga xabashida, wuxuu rabay inuu baddalo qaabkaas. Hal is difaac iyo shan duullaan oo guul leh kadib, 1529kii ciidamada imaamku waxay dhabarka ka jabiyeen quwaddi Xabashida oo ka qabsaday gobollada ay ka mid yihiin, Shimbira kore ee gobalka Fatagaar iyo Koonfurt Addis Ababa. Ciidammada imaamka oo ahaa 13000 oo nin, waxaa laga dilay 5000 oo nin. Kuwa Amxaaradu laba jibaar ayay ka badnaayeen.

 
Dagaalkaasi taariikhiga ah waxaa ka qayb galay: Xarla, Geri, Harti, AJuuraan, afarta ilmakoombe, Yabarre, Marreexaan, Habarmagadle, Bursuub, Masarre, Madigaan iyo Xarla oo uu hogaaminayay garaadkooda Moxammed, inta kalana waxaa hogaaminayay Cusmaan Mataan Khaalid oo ahaa garaadka Geri. Waxaa kaloo ka mid ahaa: Malasay oo ay hogaaminayeen: Absame Nuur, garaad Kaamil, garaad Shamcuun iyo Cabdullaahi Suuxe; gobollada Shawa iyo Hargaya oo ay hogaaminayeen: garaad Daawuud, Sheekh Samaale, iyo garaad Cali Fangale; iyo Gadaya-Geri/ Guray oo ay hogaaminayeen:Cusmaan Sheekh iyo Axmed Shihaabuddiin. Sannadkii ku xigay waxaa dagaalka  ku soo biiray: Gurgure, Bartire, Hawiye iyo Gaatur.

Ujeedada imaamku waxay ahayd soo celinta goballadii la qabsaday ee Shawa, Awfaat, Dawaro, Baali Hadiya iyo Fatagaar, iyo guud ahaan burburinta Xabashida. 7 duullaan iyo 3 olole oo waaweyn kadib, 1535 ayuu dhammaystiray ujeedadaas kuna guulaystay inuu dib u qabsado dhammaanba gobolladaasi. Xadka dawladdisu wuxuu gaaray gobolka Beja ee xeebta Eritreeya. Sannadkii 1541kii, ayaa dagaal cusubi ka dhex qarxay xabashida iyo Somalida, hase yeeshee Boortaqiiska ayaa madafiic culus ku garaacay ciidankii imaamka, halkaas oo bishii Feb. 1543kii lagu naafeeyay ciidammadii Imaamka, waxaana laga qabsaday goobtiiugu muhiimsanayd ee Woyna Dega ee harada Taana, imaamkana halkaas ayaa lagu dilay. Sida ay xabashidu meela badan ku shaacisay oo isku dayday in ay dunida u fahamsiiso, magaalada Harar ma ahayn xadka Soomaaliya ee waxay ahayd xuddunta Soomaaliyadii waqtigaas. qabaa'ilkii halkaasi degaanka u ahaydna waxaa ka  mid ahaa Harti, Marreexaan, iyo Hawiye.  Carabfaqiih oo arrintaan wax ka qoray, wuxuu qoraalkiisa ku caddaynayaa inay qabaa'ilkaasi degenaayeen agagaarka Harar. Qabiilooyin kale Somaali ah ayaa waxay degenaayeen isla aaggaas iyo kasii galbeed. Isla xilliyadaas hoggaamiyayaashii Xarla iyo Wali-asmac waxay galbeedka u hogaaminayeen jilibbada Somalida kale si ay ugu biiraan Soomaalidii halkaa horay u degenayd, beelah bariguna xiriir ayay la yeesheen kuwa galbeedka. 

Arrimo dhawr ah ayaa muujinaya in Udba lacag oo ku beegnayd Qarnigii10aad ama kii 11aad, dadkeedu ahaayeen kuwii degenaa gobalka Harar iyo Hawaash. Ma muuqato in Cafartu qayb ka ahaayeen saldanadihii Awfaat/Awdal iyo halgankoodii. Alfaares waxuu caddeeyay in Awdal, oo xadkeedu fidsanaa laga bilaabo Raascasayr ilaa Fatagaar, iyo Dankali ay laba dawladood kala ahaayeen.

Cafarta oo ay horyaal u ahaayeen Dooba iyo Cawsa, waxay Xabashida kula jireen halgan ka madax bannaan kan Soomaalida, inkastoo ay dhici karto in kooxo Cafar ahi mararka qaarkood ku soo biirayeenSoomaalida. Dadka kaliya ee ay caddahay inay qayb ka ahaayeen halganka Soomaalida, waxay ahaayeen kooxaha Hawaashiga ah ee Adari iyo Argobba, kuwaasoo waligood Soomaali ku tiirsanaa. Gobollada Shawa iyo Fatagaar iyo Hadiya badankeeda, waxaa degenaa Kuushiyiinta galbeed oo waqtigaas loo yiqiinay Daamuut. Galbeedka iyo Koofur Galbeed ee Fatagaar, waxaa ayagana degenaa kooxaha Hawaashiga ah ee Guraage iyo Gafaat. Qayb weyn oo ka mid ah dadyowgan ayaa markii dambe islaamay, oo xiriirka Soomaalidu saameeyay.

IMAAMKA KA BACDI:

Geeridii imaamka kadib jaha wareer ayaa ku dhacay saldanaddii Somalida. Xabashida oo soo rogaal celisay iyo Oromo koofurta ka timid ayaa weerarro culus ku hayay Somalida. Amiir Nuur ayaa sannadkii1551kii la doortay. Soomaalidu dagaal culus ayay gaareenqaadeen sannadkii1559kii,  waxayna qabsadeen Woqooyiga Shawa, waxay si weyn u jabiyeen Xabashida ayadoo halkaa lagu dilay Galawdewos. Asagoo raba mar kale inuu burburiyo Xabashida, ayuu amiir Nuur ka war helay Harar inay khatar ugu jirto inay u gacan gasho Oromada. Oromadu soohdin kale oo colaadeed ayay ku noqdeen Somalida.

Amiirka, oo ay caawinayeen Aw Abaadir iyo Aw Cali, ayaa Oromada deyr adag kaga meeriyay Harar, intaanu 1567kii u dhiman cudur saf mar ahaa oo dad badan baabi'iyay. Markaa wixii ka danbeeyay Awdal waxay gashay xaalad murugo leh. Khilaaf iyo dagaal sokeeye ayaa soo food saaray. Ilaa 15 hogaamiye ayaa 1567-1590kii xukunka isku baddalay. Xabashida ayay wali iska sii difaacayeen. Oramada ayaa dagaallo xun ku haysay, kuwaasoo gobolka Harar  baabi'iyay 1570kii. Sidaasoo ay tahay Soomaalidu 1577kii waxay dib u qabsadeen ilaa Hadiya iyo W/Shawa. Ha yeeshee amiir moxamedkii waqtigaas, abaanduulayaashiisii iyo 3 wiil oo ilma amiir Nuur ah ayaa Hadiya lagu jabiyay oo lagu laayay. Oramadu 1583kii waxay dileen amiirkii waqtigaas Moxammed Ibraahim Ghaazi. Isla 1570kii ayaa Cafartu soo weerartay Woqooyiga Awdal iyo khadadka ganacsiga. Waxaase dhaqdhaqa loollanka xilligaas ku soo biiray Turkiga oo gacan siinayay Somalida iyo muslimiinta kale, wuxuna la wareegay gacan ku haynta xeebahaa waqooyi.

Boortaqiiska wuxuu duqeyn joogta ah ku hayay xeebaha Soomaaliya iyo kuwa muslimiinta ee laxiriira, marka laga reebo Xamar.


Dagaalkii muddada 3da qarni ah ka dhex socday Soomaalida iyo Xabashidu wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa uguna dhiig daadashada badnaa ee taariikhda adduunka. Ugu yaraan 6 ka mid ah nagaashyadii Xabashida iyo7 ka mid ah suldaammadii Soomalida ee xukunka qabtay 1360-1570kii ayaa goob dagaal lagu dilay. Inkastoo Harar ahayd xurun dhaqan, haddana saldanaddii Awdal-Al-Umaraa' a ka dib ilaa 8 qarni, waxay noqotay mid baaba'day.Waxay u muuqataa saldanidihii Ajuuraan iyo Majeerteeniya inay ka soo fufeen danbaskii Awdal. Ajuuraan oo saldanad xoog badan ku lahaa berriga Banaadir Qarnigii15aad-17aad, waxaa la sheegay inay asal ahaan ka yimaadeen Hawd galbeed. Alfares iyo Galawdewos, Qarnigii16aad waxay sheegeen in gobalka Raascasayr uu ka jiray maamul maxalli ah oo ku xiran Awdal.

Ilaa Qarnigii13aad Xamar waxay ahayd dawlad abaabulan oo loo xaglin jiray inay dhinaca Somalida xabashida dagaalka kula jirta. Xabashidu suldaan Badlay waxay ku eedeeyeen inuu taageero ka helay Xamar. Oromada oo duullaankoodu ahaa mid dabiici ah oo ka madax bannaan aydolojiyad iyo siyaasad, waxay kala dhexgaleen Soomaalidii iyo Xabashidii is dilayay, waxayna qabsadeen gobolladii Soomaaliyeed oo Xabashidu horay u jilcisay. Qarnigii18aad, waxay bilaabeen inay islaamaan. Ka hor 1537kii Oromadu waxay ahaayeen qabiil kooban oo dhalasha ahaan aan ka fogayn Soomaalida, kuna dhaqnaa G/Baali. Laakin1550-1800 waxay qabsadeen laga soo bilaabo Maliindi ilaa koofurta Tigray, iyo Harar ilaa Banii Shanguul. Dadyowgii Soomaalida, Cafarta,Kuushiyiinta galbeed iwm, ee degenaa dhulalka ay qabsadeen, way oromeeyeen.




la soco qaybta soo socota
Rayiga: SIYAASIYIINTA SACAD SACIID IYO SOOYAALKA SOOMAALIYA
Maxamed Iimaan oo ahaa Cabdalla Sacad, wuxuu ahaa siyaasi iyo shiikhii ugu weynaa beesha Sacad. Ilaahay qofkuu u naxariisanayo cidna kalama tashado, laakiin annagu ibni aadam baan nahay waxaan leennahay Allaha u naxariisto.

Shiikh Maxamed wuxuu ku dhashay Itoobiya. Wuxuu ahaa garsoore intii ay jireen xukuumadihii rayidka ahaa, wuxuuna ku jiray qaaliyaashii dowladdii daaqiligu u soo tababartay garsoorka. Shaqadii ugu horeysay wuxuu ka qabtay Baardheere oo uu DC ka ahaa Marxuum Cali Maxamed Cosoble Wardhiigley. Intuu Baardheere joogay wuxuu ahaa Geedi Baaboow, waayo gabadhii soo baxda isagaa loo geyn jiray.

Doorashadii 1969kii kursiga Xamar ee Baarlamaanka waxaa ku tartamay Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo Cali Wardhiigley, waxaana dadku u codeeyeen Cali Wardhiigley, laakiin Sheekh Maxamed Iimaan ayaa sanduuqii codka ugu shubay Ismaaciil Jimcaale oo ahaa seedigii. Maxamed Iimaan wuxuu kadib la shaqeeyey dowladii Siyaad Bare, wuxuuna noqday ninka Maxamed Siyaad uga wakiilka ah beesha Sacad. Wuxuu ahaa ninkii agaasimay shirkii ka dhacay Degmada Hodan ee lagu mideeyey, laguna mataaneeyey beelaha Sacad iyo Mareexaan oo aan geeloodu isa soo gaarin, deegaankoodana loo kala socdo masaafo dheer oo dhowr caanamaal ah.

Markii la dhisay Ururka USC ayaa Maxamed Siyaad Barre u diray Maxamed Iimaan magaalada Dubai si uu u soo burburiyo xafiiskii USC uga furnaa Dubai oo ahaa xafiis dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba udub dhexaad u ahaa howlaha ururka, hadii la xirana uusan ururku wax guul ah ka gaareen hadafkiisa siyaasadeed. Markuu tagay Dubai wuxuu ka codsaday xafiiska USC inay la kulansiiyaan Cali Wardhiigley oo gudoomiye u ahaa, wuuna la shiray. Markeey shirkii dhameysteen oo ay u wada hadleen sidii laba oday oo Hawiye ah ayaa Maxamed Iimaan wuxuu teleefan ku wacay Wasiirkii Boostada Yuusuf Xasan oo Sacad ahaa, wuxuuna u sheegay in howshii Madaxweynuhu u soo diray ay meel fiican u marayso, waxaana codkiisa duubay niman SNM ah oo u soo gudbiyey sirdoonka USC.

Maxamed Iimaan waxay isla socdeen waagaas Gaashaanle Sare Shariif Geesaweyne oo kadib galay London, magangalyana weydiistay dowlada Ingiriiska. Markii USC ay guuleysatay oo uu dhacay isku dhicii Caydiid iyo Cali Mahdi wuxuu Maxamed Iimaan noqday Gudoomiyaha beesha Sacad, wuxuuna la shiray Cali Mahdi oo uu ku yiri ?Caydiid iska dhaafe aniga ila hadal anigey taladu iga go?daa oo Caydiid talo kama go?dee?. Beesha Sacad ayaa waxay u xilsaareen Maxamed Iimaan inuu noqdo ninka go?aankooda gaarsiiya Cali Mahdi, wuxuuna u tagay Cali Mahdi oo uu ku yiri ?xilka ka deg haddii kale ciidamada Habar Gidir ayaan oodda ka soo qaadayaa?. Waxaa la yaab leh in ciidanka Maxamed Iimaan ku faanayo ay ahaayeen ciidan Ceeyr.

Maxamed Iimaan wuxuu kaloo ku yiri Cali Mahdi ?doorasho cusub ayaa la sameynayaa Caydiidna kulama tartamayo ee waxaa kula tartamaya C/laahi Cadoow?. Odoyaal Hawiye ah ayaa isla markiiba la shiray Maxamed Iimaan iyo gudigii Sacad waxayna ku yiraahdeen ?Sacadow waxaan idinka codsanaynaa inaad isbaarada naga qaadaan?, wuxuuna yiri Maxamed Iimaan ?hadaan Sacad nahay dowladii Siyaad Bare waan ku qadnay, dowladii Cali Mahdi cadkaan ku lahayn Majeerteen ayaa la siiyey, hadaba isbaaro ayaan maciinsanay, wiilasha iyo gabdhaha Abgaal waxay dowlada Cali Mahdi soo siiso inaan ka furano ayaan go?aansanay, isbaaraduna waa nolosheena, waana mushaarkeena, shirkaasna Hawiye waa ku kala tagay?.

Markeey is dirireen Caydiid iyo UNOSOM ayaa Admiral Howe wuxuu muujiyey inuu u baahan yahay cid uu kala tashado arimaha beesha Habar Gidir. Wuxuu u gacan haatiyey qof kasta oo waxgarad ah ama aqoonyahan ah oo Habar Gidir u dhashay, gaar ahaan Saleebaan iyo Ceyr, si Maxamed Faarax Caydiid iyo beeshiisa Sacad looga horwareejiyo Habar Gidir. Codsiga Howe waxaa ka jawaabay nin wax fahmi kara oo ahaa Dr C/qaasin Salad Xasan oo joogay Qaahira. Markeey Caydiid iyo Caato maqleen warkaas ayaa waxay ku guuleysteen in C/qaasin oo Ceeyr Cabsiiye ka sii ah lagu qasbo inuu ku noqdo Qaahira. C/qaasin waxaa loo adeegsaday sadex nin oo Cabsiiye ah oo kala ahaa Nuur Taqsiin, C/naasir Seerjiyo iyo Xasan Qalaad, kuwaasoo gurigiisa ku weeraray.

Falka burcadnimada ah ee lagu sameeyey C/qaasin waxay fursad siisay Maxamed Iimaan oo si qarsoodi ah ula shiray Howe, una noqday wakiilka u qaabilsan la socodka Caydiid iyo dhaqdhaqaaqiisa. Wuxuu wuxuu kadib qabanqaabiyey shirkii Guriga Cabdi Qaybdiid, wuxuuna isugu yeeray waxgaradka iyo aqoonyahanadii Sacad iyo wixii Habar Gidir ahaa ee la socday. Ujeeddada shirkuna waxay ahayd in Caydiid xilka laga qaado oo loo dhiibo nin kale oo Sacad ah oo daaha gadaashiisa ku jiray oo la yiraahdo Cumar Salaad Cilmi, kaasoo hadda qaxooti ku ah London.

Caydiid ayaa ogaaday arinta uu wado Maxamed Iimaan. Caydiid wuxuu la tashaday Taliyihii ciidanka Talyaaniga General Bruno Loi oo gacan siinayey, waxaana isaga iyo Jeneraalkaas isku xiray Avvocato Xasan Ducaale oo ah nin Sacad ah oo degan Talyaaniga iyo Dr Nicolino Mohamed oo ah nin Raxanweyn ah, laakiin ahaa wakiilka Caydiid u jooga Roma. Bruno Loi wuxuu Caydiid ku yiri ?shirka tag, kadibna isaga soo bax todaba daqiiqo gudahood, hadaadse hal daqiiqo ku darsato waad dhimanaysaaye ogow?. Caydiid wuxuu tagay gurigii lagu shirayey, wuxuuna joogay todobada daqiiqo sida la faray, wuuna ka soo baxay shirkii. Cusmaan Caato oo qamaarmoog ah ayaa ka shakiyey bixitaanka Caydiid, wuuna ka daba baxay.

Cusmaan Caato waxaa la socday nin Daa?uud Abgaal ah oo ay saaxiib ahaayeen, lana oran jiray wuu dhintaye Axmed Caadleey, lana shaqeyn jiray CIA-da, waxaana horey u sii raacay Cumar Salaad Cilmi, Cabdi Qaybdiid, Maxamed Xasan Cawaale, C/laahi Xasan Ganey Firinbi iyo intii badnayd reer Hilowlihii meesha joogay. Waxay ka tageen nin Reer Hilowle ah oo iyaga iyo Caydiidba ay necbaayeen oo la oran jiray Gaashaanle Sare Abshir Kaahiye oo ku jiray todobaatankii oday ee meesha lagu laayey. Abshir Kaahiye wuxuu ahaa nin isagoon qarsan cambaareeya Caydiid iyo Caato labadaba.

Waxaa kaloo goobta ku dhintay nin loo arkayey inuu yahay ninka Caydiid bedeli doona dhinaca hogaaminta Sacad oo la oran jiray Maxamed Xaashi Dholodholo, una dhashay Faralle. Maxamed Faarax Jimcaale wuxuu goobta kaga baxay baaq indha-ka-hadal ah oo uu siiyey Caydiid. Waxaa wax lala yaabo ah in la shirqoolo oo la dilo Dholodholo iyo Abshir Kaahiye, lana sii kexeeyo Cali Shido Cabdi oo ah Indha-yar iyo Maxamed Faarax Jimcaale oo Lugayarre ah, taasoo uu ogaan karo qofka yaqaana siyaasada beesha Sacad oo dhigaysa in hadii xaalada loo yaabo aysan Reer Hilowle ka tagin Indhayar oo ah adeegayaashoodii taariiqiga ahaa.

Caydiid mar allaale iyo markuu guriga ka dhaqaaqay ayaa Talyaanigu waxay weceen Howe iyo Mareykanka oo ay ku yiraahdeen iyagoo qiyaamaya ?Caydiid ayaa shirka jooga ee ciidankaaga u dir?. Ciidankii Mareykanka ee la dirayna waxay guriga ku bilaabeen xabbad. Cusmaan Caato iyo ragiisa waxay maqlayeen xabadaha socda markeey la leexdeen wadada Isbitaalka Digfeer.

Qaabka Caydiid ku baxay wuxuu ahaa qaab mukhaabaraadku ka soo shaqeeyeen. Wuxuu raacay baabuur dusha ka furan, Caato iyo ragiisuna waxay ku bexeen baabuur iska caadi ah, sidaa darteed baabuurka Caydiid ku baxay diyaaradaha Mareykanka ee sirdoonka waa u suurageli weyday inay sawiraan, waxayse sawireen gaariguu saarnaa Cusmaan Caato, kadibna si fudud ayay ku qabteen laba bilood kadib Caato oo saaran isla gaarigii lagu dhex sawiray.

Caydiid markuu ka baxayey guriga la duqeeyey waxaa la socday nin ka tirsan mukhaabaraadka Talyaaniga oo isaga waardiyeynayey. Sirdoonka Talyaaniga iyo kuwa Itoobiya oo markaas Xamar u joogay sida ay Lubnaan u joogaan mukhaabaraadka Syria oo kale ayaa Caydiid u sheegay in ninka dili doona uu yahay Caato. Markii la soo daayey Cusmaan Caato ayaa Caydiid taageerayaashiisa wuxuu kula hadlay Tarabuunka, wuxuuna ku yiri ?ogaada in halgankii uusan weli dhamaan oo rag anaga naga mid ah ay qodxo noo dhigayaan?. Cusmaan Caato ayaa isna banaanbaxa ka hadlay wuxuuna yiri ?inta kharash aan ku bixiyey colaad in ka badan ayaan nabada ku bixinayaaye ogaada?.

Waxaa la yiri God sireed ha qodin, haddaad qodana ha dheereyn, ku dhici doontidaana ma ogide. Nasiib daro Maxamed Iimaan wuxuu ku jiray odoyaashii lagu laayey shirkii ka dhacay gurigaas Cabdi Qaybdiid July 1993. Wuxuu dhintay Maxamed Iimaan isagoo shalay oo kale la soo shiray Admiral Howe, iskuna soo afgarteen in Caydiid xilka laga qaado, arintaas oo Admiral Howe uu lacag badan ku bixiyey, si aad ahna u doonayey, ahaydna qorshe dowlada Mareykanku wadato oo ahaa in Habar Gidir dalka madaxweyne looga dhigo, laakiin xilka laga qaado Caydiid, taasoo 2000 uu Carta ka fuliyey Ismaaciil Cumar Geele laakiin ahayd waqti Mareykanku ka jeestay Soomaaliya.

Caydiid waxaa waagaa Mareykanku daba dhigeen laba nin oo reer Hilowle ah si loo qabto kuwaasoo kala ahaa Maxamed Xasan Cawaale iyo Cumar Salaad Cilmi. Caydiid markuu Baardheere kaga dhawaaqayey isbahaysigii SLA ee ka horeeyey SNA ayaa Cumar Salaad Cilmi wuxuu ku yiri ?Caydiidow labada xil waa inaad mid ku soo wareejisaa Reer Hilowle, xilka USC ama kan SLA?. Caydiid waxaa isla markiiba ku dhacay sokorow iyo dhiigkar, waayo haduu beerdareeyo Reer Hilowle wuxuu beerdareeyey Sacad oo dhan.

Caydiid wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, dadkii la joogay waxay yiraahdaan maalmo badan ayuu qol ku xirnaa oo ku xanuunsanayey oo aan u maleynay inuu dhintay. Hadaba Sacadka u haysta in Caydiid uu dilay Caato waxba ma oga, Caydiid waxaa loo dilay siyaasad, wuxuuna ku dhintay siyaasad, labada nin ee siyaasad ahaan u dilayna waa Cumar Salaad Cilmi iyo Maxamed Iimaan, xabada ku dhacdayse waxaa loo raacan karaa Cusmaan Caato iyo Cabdi Qaybdiid.

Dadka aan wax ogeyn waxaa loo sheegaa in Caydiid ay ku dhacday xabad wiifto ah, hase yeeshee waxaa aduunku ogyahay in Caydiid lagu dhex dilay gaarigii uu saarnaa dhexdiisa kadib markii qiiq badan la daaray, xabadana dhinaca dambe lagaga dhuftay.

Axmedey Khasaaro oo ah Gaashaanle Sare Saleebaan ah ayaa la yaabay siyaasada iyo shirqoolka Sacad u maleegayo Habar Gidir iyo Hawiye intiisa kale, wuxuuna yiri ?Ilaahayow Reer Banii Israa?iil Qur?aankaaga ayaad noogu sheegtay, laakiin Reer Banii Sacad Saciid maxaad noogu sheegi weyday Qur?aanka?.
 Qoraa:Yaskacadde

Wax ka baro Heshiiskii Cadan/Yemen iyo saamaynta uu ku leeyahay wax-qaybsiga 4.5 -


Waxa haboonaatay in aan cashar gaaban ka bixiyo dhacdadii heshiiskii dhex maray Col. C/Yussuf Axmad Madaxweynaha DFKG Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Adan ee uu dhexdhexaadiyay Madaxweynaha Yemen Maarshaal Cali Cabdalla Salex Al-Axmar. Kaas oo ka dhacay caasimadda ganacsiga boqoradda badda cas ee Cadan J. Yemen 05.01.2005.




Asalaamu Calaykum Wa Raxmatu Allaahi Wa Barakaatuh.
Intaas ka dib.

Waxa ahaatay waqti ku haboon in aan cashar gaaban ka bixiyo dhacdadii heshiiskii dhex maray Col. C/Yussuf Axmad Madaxweynaha DFKG Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Adan ee uu dhexdhexaadiyay Madaxweynaha Yemen Maarshaal Cali Cabdalla Salex Al-Axmar. Kaas oo ka dhacay caasimadda ganacsiga boqoradda badda cas ee Cadan J. Yemen 05.01.2005.

Faaladan iyo faaqidaadan waxa igu kallifay in aan soo qoro markii aan arkay sida ay dadku uga fog yihiin garashada nuxurka waxa jira ee dhabta ah heshiiskii Cadan/Yemen ee la qariyay qodobaddii ka soo baxay 05.01.2006. Waxa aan akhriyay wax ka sheegga dad dhowr ah oo ka hadlay arrinta heshiiska, haseyeeshe aad moodo in ay arrinta runteeda ka warwareegeen in ay nuxurka dhacdada wax ka qoraan ama ay tahayba wax aan la fahmin sooyaalka sida ay u rakiban tahay dheesha siyaasadda Somalida. 

Taariikh ahaan waxa aanay cidna ka dahsoonayn in siyaasadda Somalida ay goor walba hormuud ka soo ahaayeen ( sida ay sheegtaan ) oo looga danbayn jiray hogaaminteeda dadka asal ahaan isu siiyay in ay yihiin kuwa xaqa goor walba u leh in ay dadka iyo dalalka Somaliyeed ay maamulaan. Maba xumaateen haddii ay ahaan lahaayeen kuwo wax maamuli kara ama guul ka dhaliyay wax badan oo ay sidaas fursad u heleen. Qoomkaas iyaga uuni ay yaqaaniin sida  wax loo maamulo oo ah kuwa ka soo jeeda  gobolada Majeerteeniya waxa ay ku faanaan in inta la garanayo sooyaalka taariikhda Somalida ay ahaayeen kuwo aan la'aantood cid kale wax maamuli karin. Sida ay hadaba ku hadaaqaan habeen iyo maalin in ay iyaku yihiin kuwa wax dhsi kara.......kamay reebin marka ay sidaas leeyihiin ladqabada iyo khiyaanooyinka, tabaha qarsoon, jilaafooyinka, kala qaybinta, mu'aamaradda ay rag iyo dumar u duuban yihiin iyo hagardaamada ay kula dhex jiraan haddii ay cid kale oo aan iyaka ahayni talada dalka aabe u noqoto.

Tusaale ahaan haddii loo soo qaato. waxyaalaha ay ku faanaan waxa ka mid ah: Soo hor kiciddii iyo soo hogaamintii isticmaarkii Talyaaniga. Hormuudkii isa siinta ilbaxnimada iyo boqortooyo Somalia. Dhaqdhaqaqii gobonimo doonka SYL. Midayntii labadii dal ee xoroobay 1960kii. Raadintii Somaliweyn. Rididii Dawladdii kacaanka ee Jaale Maxamed Siyaad Barre. Qabanqaabada qabashada shirarka debedaha. Ku dhawaaqidda Maamul-goboleedka Puntland. Carqaladaynta madaxbannaanida Somaliland. Kala jebinta xoogga ballaadhan ee Dir, Hawiye iyo ka takhaluskii hogaamiyihii weynaa Jannaraal Maxamed Faarax Caydiid. Ugu danbayn qaabaynta siyaasadda ku dhisan qabiilka in aan laga cod badin Daarood ( Majeerteen ) ee ku salaysan 4.5.


Haddii an wax yar kaga noqdo fikradda ay ku soo baxday 4.5 oo salka ku haysa heshiiska Cadan/Yemen oo ay ka danbeeyeen beelaha uu ka soo jeedo C/Yussuf waxa looga jeeday sidan: 


1. Hogaaminta Majeerteen isbahaysiga Daarood + Digil & Mirifle + Others ( 3/5 ) oo isku san baan marka loo eego in mid waliba goonidiisa looga tiro badan yahay marka la barbar dhigo Hawiye & Dir. Waxa ay ku khasban yihiin sadexdan laga tirada badan yahay in ay weligood isku dan yihiin ayna ka dhexeeyso xulufaysi siyaasadeed.


2. In marka ay noqoto cod bixin iyo woot ay ku wax qaybsadaan 3/5 halkaasna ay weligood ku raacdo guusha doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanada ama go'aanada siyaasiga ah ee dhumucda weyn leh iyo sed-bursiga dhaqaalaha dalka.. 


3. Sadexda qolo oo dareen isku mid ah ka qaba halgankii Jabhadaha hubaysan ee lagu riday taliskii Siyaad Barre oo qaba in aanu iyaka wax dan ahi ugu jirin.


4. In labada qaybood ee soo hadhay ( Hawiye & Dir ) ay kala fogeeyaan waxna ay ka bililqaystaan dhinaca siyaasadda oo si fududna la isaga hor keeni karo qolo walba gudaheeda iyo gaar ahaanteeda, ama laga shukaansan karo kuwooda dammiiniinta ah inta lagu beer-laxawsado magac Somaliyeed oo aan ka dhab ahayn oo awr-ku-kacsi ah ama khiyaamo goor walba joogta ah oo ku salaysan naf jeclaysi.. 

Qodobadaas iyo kuwo la mid ah daraasad dheer ka dib waxa dhidibka loo aasay in ay helaan siyaasad xisaab ku fadhiga oo sugan oo loo yaqaan 4.5 in loo adeegsado hogaaminta Somalida woqooyi iyo Koonfur ama haddii si kale loo dhigo Hawiye & Dir oo aanay labada midkoodna ku haboonayn in hogaanka loo dhiibto sida ay 3/5 rumaysan yihiin.

Shirka Cadan/Yemen iyo heshiiska la maqlay ma aha wax cusub oo ugub ah ee waa wax hore u jiray oo soo taxnaa illaa iyo shirarkii badnaa ee hore loogu qabtay debedaha. 3/5 Waxa uu ka tarjumaya saldhigga qorshaha hogaaminta iyo faro ku haynta talada dalka Somalia.

Kolleyba heshiis waa jiray Cadan/Yemen mar hore iyo mar danbaba. Waxa se ay su'aasho tahay la garay cidda heshiisay iyo cidda wax heshiisiinaysay ee maxaa lagu heshiiyay iyo yaa loo heshiiyay? Taas oo la mid ah heshiis kasta oo la galo sida uu u dhigan yahay? Sida dabiiciga ah marka ay laba dhinac heshiiyaan waxa si dadban u jira dhinac sadexaad oo loo heshiiyay oo kan meesha ka maqan ah. Cabdullaahi Yuusuf -Yey iyo Shariif Sheekh Adan wax kale kuma ay heshiin oo meesha yaal oo aan ahayn qabyaalad. Waayo wax aan jirin wax kale oo ay labadoodu xaq u leeyihiin sharci ahaan iyo dastuur ahaan oo u fasaxaya in ay sidaas u qabsadaan shir aanay dawladdii iyo baarlamaanki midna ansixin waxna aanay ka ogayn ( Shirku waxa uu ahaa shir beeled shaati dawladeed loo geliyay ).

Jawaabta oo kooban waxa lagu heeshiiyay in aanay taladu cayn wareegin oo aanay farahooda ka bixin  beelaha 3/5 in ay isku ilaaliyaan awoodda qaranka iwm. Sidoo kale waxa loo heshiiyay Hawiye iyo Dir in laga gacan sareeyo iyo in la maamulo oo isla jawaabta qaybteeda labaad ah.

Sadexda nin ee heshiiska hogaaminayay wax-ka-dhaxayn ayay leeyihiin. Waxa ay ku soo wada koreen nolol isu eeg iyo in ay yihiin beelaha ay ka soo kala jeedaan beelo isku si u wada yaal oo aqalliyaat ah ( minorities ) ama dadka laga tirada badan yahay dalalka iyo bulshootinkka ay ka kala yimaadeen ah.

Sidaas daraadeed si fiican ayay isula jaan qaadeen in ay gaadhaan heshiis wadajir ah. Marka laga yimaado Maxaweynaha Yemen in uu muujiyay magac weyn iyo guul uu ka gaadhay heshiiska Somalida madaxa adag ee lagu wareeray in ay heshiiyaan isaguna uu danahiisa gaarka ah ka dhex eegtay. Tii Itoobiyana hoosta kaga naban.


1. Maarshaal Cali Cabdallah Saalex Al-Axmar waa askari diktaatoor ah. Waxa uu xukumayay Yemen in ku dhow 30 sanadood. Waxa uu ku soo koray tuulada loo yaqaan Beit-Al-Axmar naaxiyadda Sanxaan oo aan wax khayraad ah lahayn. Waxa uu ka soo jeedaa qabiilka laga tirada badan yahay ee Xaashid 27% tira-koobka Yemen. Waxa uu ku soo koray nolol rafaad badan. Waxa uu ahaa riyo raac aan wax tacliin ah baran. Ma qabo shahaado Dugsi Sare. Waxa uu ku soo koray inta badan xeryo askareed. Waxa uu dalka ku xukumaa gacan bir ah iyo qabyaalad caddaan ah. Waxaa loo yaqaan orgigii saraakiisha ( Tays Al-Dubbaad ). 


2. Col. Cabdulaahi Yussuf Axmad. Waa askari diktaatoor ah oo weliba jabhad ah madax adag. Waxa uu ku soo koray xerooyinka askarta ee Gobolka Muddug . Waxa uu ka soo jeedaa qabiilka laga tirada badan yahay ee majeerteen 0.5% tira koobka Somalida. Waxa uu ku soo koray nolol adag. Waxa uu ahaan jiray agoontii ciyaalo orfano iyo kuwa joogjooga inta badan xerooyinka askarta. Marar baddan waxa uu ahaa adhliga Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo uu sidaas ku tegay Xamar. Ma qabo waxbarasho habaysan iyo shahaado la yaqaan oo la aqoon san yahay. Waxa uu aaminsan yahay qabyaalad in wax lagu maamulo iyo gacan bir ah oo dhiig farha la geliyo.


3. Md. Shariif Xassan Sheekh Adan. Waa nin ganacsade ah. Waa nin xadhig maran ismara ah oo madax adag. Waxa uu ku soo koray agoonimo iyo rajaynimo ka dib markii ay dhigtay hooyadiis. Halkaas oo uu markii danbe qaatay oo uu soo korsaday adeerkiis oo caruur badan leh oo loo yiqiin Shariif-Sakiin. Waa nin guur badan oo caruur badan leh oo aanay nolosho qorshe u lahayn oo afar jeeble ah. Waxa uu aaminsan yahay qabyaalad aanu caddaysan karin. Waxa uu inta badan ku dhaqmaa waxa loo yaqaan tabo qarsoon oo khiyaano wata iyo qaniinyo ilko qabow leh.

Sadexda oday oo wax ka dhaxayn leh waxa ay meel mariyeen "heshiis qarsoon" oo meesha lagaga saarayo awoodda dadka dalka ugu tirada badan. Waxa la is dhacsiiyay oo ay sadexda hogaamiye ku qanacsan yihiin in aan dalka cid kale maamuli karin oo ay iyagu mudan yihiin kuwa ku haboon in ay dusha u ritaan kelidood mas'uuliyadda dalka. 

Waxa tusaale la isku siiyay qancin in Qoomiyadda Hawiye aanay asal u lahayn in ay wax maamulaan ama ay wax xukumaan. Waxa loo sharxay Marshaal Cali-ga Yemen in uu Hawiye asal ahaan yahay Afrikaan iyo wax la mid ah dadka looga yaqaan Yemen " Akhdaam "! Kuwaas oo aan haba yaraateen ku lahayn dalka Yemen wax xuquuq ah ( Biduun ). Waana kuwa dhulka nadiifiya. Waxa ay ka xarriman yihiin qaybaha nolosha oo dhan. 

Markii ay dhacaysay xafladda farxadda heshiiskan la isku afgartay waxa iyana dhinacooda sugayay in ay wax ka soo baxaan dad tiro badan oo Somaliyeed oo ka buuxay xabsiyada Yemen oo lagu soo qabqabtay mudaaharaadkii nabadgelyo ee ay hor fadhiyeen xafiiska UNHCR hortiisa in la hagaajiyo xaaladahooda nololeed. Waxa jirtay in aanay dadkaas laba Cali isweydiin cidina aanay soo hadal qaadin waxa laga yeelayo welina ay xidhan yihiin..Taas oo ku tusaysa in aan wax Somali u dan ah meesh lagu haynin. 


Si kastaba ha ahaatee waxa meesha ka soo baxday guul weyn oo u soo hoyatay 3/5 oo ka tirsan 4.5 ! Sidaas darteed miyaanay mudanayn in la taageero heshiiska ay raggaasu danahooda u gaareen haddii ay jirto cid wax qabsatay oo aan la xaasidin. Waa in aanay ka xumaan heshiiska raggan wax qabsaday Hawiye & Dir ama Wasiirada hubaysan ee jooga magaalada Xamar. Raggii dilay Hogaamiyihii weynaa Jan. Caydiid. Ragga fashiliyay Madaxweyne Cali Mahdi iyo Cabdi Qaasim ee aan iyakuna ahayn qaar wax raba inta aan la gaadhinba ummadda ay hoojiyeen muddada ka badan 15ka sanood oo ay dhinacnaba wax u wadi la' yihiin. In uu qofku qirto waxa uu yahay waxa ay ka fiican tahay in uu waxba qiran waayo. Dir & Hawiye waxba ma xukumi karaan. Waa in ay u daayaan talada dalka dadkii ka yiqiinay sida wax loo xukumo oo ay haddaba muuqato guulaha laga gaadhay dawladdii Kenya lagu soo dhistay iyada oo ay Xamar dawladi ka jirtay in ay shaqayso. Maantana Baydhaba ayaa loola guuray markii ay dooneen, Jowhar oo aan dembi gelin lagaga guuray.


Waxa waliba waxa ay u xuubsiibteen xisaabtii 3/5 in lagu maamulo horta Somalia. Loo kala teg xabaal iyo ninkeed. Loo kala bax suuq madow iyo suuq cad oo dharaar cad la kala baxay ninba waxa uu yahay. Nin wax raba oo ay dawlad dani ka hayso oo in uu wax xukumo doonaya iyo nin goshiisa, gudahiisa iyo guntigiisa ka dhammaan la' oo qalqaalo doon ah oo dhandhamo raac oo aan cid kale dan ka lahayn. Waxa se la filayaa in uu Hawiye wax bartay oo ay jiraan kacdoono cusub oo meesha ka saaraya dagaal oogayaasha aan talo siyaasadeed lahayn.

Ummadaha Carbeed mid ayay kaga guulaysan lahaayeen dunida Reer Galbeedka. Waa iyaka oo midooba maalin keli ah. Dir iyo Hawiye mid ayay ku guulaysan lahaayeen. Waa iyaka oo marka hore aqbala kala noqoshada Somaliland iyo Somalia.
fadlan lasoco inta ka hadhsan
waa Qalinkii:Yasin Hussein mohamed
Tel:0015672652061 ama 00252-2-4455767
E-mail:jaaw44@hotmail.com ama flower210@hotmail.it

 

Maxaad ka Taqaanaa Aqoonyahankii, Odoyaashii & Saraakiishii ay Dileen Alshabaab.

Intii ka danbeysay qaraxyadii lala beegsaday safaaradihii Mareykanka ee Nairobi iyo Daaresalaam 7/8/1998 waxa maadaama aanay jirin dowlad dhexe oo koontaroosha xuduudaheeda ay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho gabaad u noqotay qaar badan oo ka mid ah ragii maleegay weerarka gaar ahaan Fuzul Cabdalla iyo Salih Nabhaani.

Intii ay joogeen Soomaaliya waxa dembiilayaashani ay marti u ahaayeen rag aan ka xusuusto Aden Xaashi Ceyrow iyo kooxo kale oo u badnaa ganacsato leh dhaqanka maafiyada oo loo yiqiiney (Tijaarul Xarbi) kuwaasoo ka taajirey fowdadii ka taagneyd Xamar.

Laga bilaabo 11/9/2001 oo aheyd markii la qarxiyey daarihii mataanaha ahaa ee New York uuna bilowday dagaalkii Amerikanku ku qaaday Afghanistan waxa Soomaaliya soo galay qaar badan oo ka mid ahaa argagixisadii ka soo firxanaysey Afghanistan kuwaasoo iyagoo inta badan iska dhigaya ganacsato degey Xamar.

Intaa ka dib waxa shaqsiyaad ay ka mid ahaayeen Aaden Xaashi Ceyrow oo ka mid ahaa kooxihii Soomaalida ee ku xirnaa Alqaacida ay laga bilaabo sanadkii 2000 bilaabeen dilal qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsanayeen indheergaradka, saraakiishii hore ee ciidamada iyo dhamaan qof walba oo waxtar u lahaa bulshada si dhabaha loogu xaaro in Soomaaliya ay saldhig ugu noqoto Alqaacida.

Dadkii naftooda qaaliga ah ku waayey dilalkii qorsheysnaa ee ururka Alshabaab waxa ka mid ahaa.

• Colonel. Abdulahi Mohamed Warsame: “Nero”, Waxa lagu diley agagaarka degaanka Lafoole. April 2003
• Captain. Mohamed Adan: Waxa lagu diley degmada Xamarweyne April 2003.
• Colonel. Mohamed Ismail: “Guure” Waxa lagu diley Xamar Aug 14, 2004.
• Colonel Ismail Haji Osman: Waxa lagu diley gurigiisa oo ku yaala degmada Howlwadaag. Aug 14, 2004.

• General. Maxamed Cabdi Maxamed: Waxa isagoo soo tukaday salaad subax lagu dhaawacay degmada Shibis 5 sep 2004 waxa uuna ku geeriyooday Nairobi 9 nov 2004
• Colonel. Ahmed Ugaas: “Foodey” Waxa lagu diley Muqdisho bishii Oct 2004.

• Colonel. Maxamuud Abdinuur Aadan: “Bataar” Waxa lagu diley degmada Howlwadaag, Oct 26, 2004.
• General Yusuf Ahmed Sarinle: waxa lagu diley degmada Wardhiigley 23 Jan 2005.

• Colonel Xirsi Maxamuud Cumar: ”Xirsi Dhoore” Waxa lagu diley degmada Yaaqshiid, 31 Jan 2005.
• Colonel Cabdullaahi Kaahiye Cali: waxa lagu diley xaafada Afisiyooni 07 March 2005.

• Colonel: Maxamed Saciid Maxamed: Waxa lagu diley degmada Yaqshiid 21 may 2005.

• Cabdulqaadir Yahye Ali: Yahye oo ahaa nin u ololeeya nabada madaxna ka ahaa ururka CRD waxa lagu diley gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho 11 July 2005
• Colonel: Max’ed Cusmaan Coon: Waxa lagu diley agagaarka dhismaha Three Biano31 July 2005.

• Yuusuf Xassan Calasow: (Yuusuf Tarbuush) Marxuumka oo ka mid ahaan jirey ciidanka poliiska waxa 24 September 2005 lagu diley agagaarka suuqa degmada Shibis.

• G/SARE Maxamed Maxamuud Raage: (Raage Coon) waxa lagu diley Xaafada Tubaweyne oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid 7 okt 2005.

• Colonel Maxamed Xassan Maxamuud: “cadaawe” Waxa lagu diley agagaarka Teribuunka Muqdisho 21 Jan 2006
• Colonel Abuukar Maxamed Xuseen: (Abukar Dheere) Waxa lagu diley degmada Wardhiigley 16 March 2006.

• Colonel Cali Xaaji Maxamuud: (Cali weyne) Waxa lagu lagu diley galgalato, Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho 21 January 2006
• G/dhexe Abuukar Maxamed Xusseen: (Abuukar dheere) waxa lagu diley Xaafada Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho 16 March 2006.

• Marxuum Cabdi Cali Cilmi: (Cabdi Dheere) oo ka mid ahaan jirey ciidamada boliiska Soomaaliya ayaa 23 March 2006 lagu diley gaari uu la socdey oo marayey wadada caymiska ee magaalada muqdisho

• Cabdalla Deerow Isaaq: oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley Baydhabo 29 July 2006.

• Colonel Maxamed Cali Qalaf: Waxa lagu diley isgoyska Baar Ubax 3 Feb 2007
• Muxudiin Xassan Xaaji: Muxudiin oo ahaa gudoomiyaha degmada Yaaqshiid waxa la diley isagoo shaqadiisa ka soo baxay 21 Febr 2007

• Cabdi Cumar Googooye: Googooye oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir waxa la diley 21 Febr 2007

• Ibraahin Cumar Shaaweeye: Shaaweeye oo ahaa ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho waxa uu 13 March 2007 ku dhaawacmay miino loo dhigay waxa uuna markii danbe ku geeriyooday Nairobi.

• Cabdulaahi Shiikhow Xassan: Shiikhow oo ahaa gudoomiyaha degmada Huriwaa waxa la diley 31 March 2007

• Xassan Cali Farey: farey oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Howlwadaag waxa la diley June 2 2007 isagoo ka soo baxay Masjid.
• Abuukar Xusseen Bandaas: Bandaas oo ahaa gudoomiyaha degmada Shibis waxa la diley 14 June 2007

• Cismaan Cali: Oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Huriwaa waxa la diley 2 June 2007

• Xassan Axmed Xassan: Gudoomiye ku xigeenkii degmada Afgooye waxa la diley 14 July 2007.

• Eng. Max'ed Xasan Kulmiye: Kulmiye oo ahaa madaxa ururka CRD waxa lagu diley Beledweyne 22 June 2008

• 3 Ogosto 2008: Miino ay Alshabaab ku qariyeen qashin dhexdiis ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 24 haween masaakiin ah oo ka shaqeynayey nadaafada.
• Macali Haaruun Macalin Yuusuf: Macalinka oo ahaa hogaamiye dhaqameed waxa lagu diley agagaarka gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho 18 Ogosto 2007

• Maxamed Cismaan Maye: Maye oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada baydhabo 8 Sept 2008 isagoo markaa ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Cishaha.

• Maxamuud Xassan: Waxa uu ahaa nabadoon waxana 16 Sept 2007 ku diley degmada Wadajir niman hubeysan.

• General Axmed Jilacow Caddow: Jilacow oo ka mid ahaan jirey madaxda hey,adii sirdoonka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada Muqdisho 5 Okt 2008
• Cumar Dheere: Cumar oo ahaa gudoomiyaha ganacsatada Suuqbacaad waxa la diley 28 Okt 2008

• Qaraxyadii Hargeysa iyo Boosaaso: 29 Okt 2008 waxa qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof.

• Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire: Waldiire oo ka mid ahaan jirey madaxda isbaheysiga dooxada Juba waxa lagu toogtay Kismaayo 15 January 2009 ka dib markii ay maxkamad Alshabaab ah ay ku xukuntay dil iyagoo ku eedeeyey inuu ridoobay basaasna ahaa

• Cubeyd Maxamuud Maxamed: Qarax miino oo ka dhacay degmada Shibis ayaa 11 march 2009 lagu diley Cubeyd Maxamuud Maxamed oo ahaan jirey madaxa amaanka raiisulwasaare Cali M. Geedi. Cubeyd waxa la dhintay 2 nin oo walkaalihiis ah.

Qaraxii Baladweyne: 18 June 2009 waxa baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa lagu weeraray hotel Madiina ee magaalada Beledweyne waxa halkaasi ku dhintay 80 qof oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka waxa dadkii la geeriyooday ka mid ahaa, Cabdikariin Faarax Laqanyo
• G/le sare Maxamed Barre Fiidow
• G/sare. Maxamed Cabdi Yarow (shanle)
• G/sare Cumar Xassan Dhudi
• Colonel/ Yuusuf Xusseen (Timocade)
• Nabadoon/ Faarax Cabdulle Fiidow
• Nabadoon/ Xassan Biriqow
• Nabadoon/ Xassan Cilmi Hurre
• Nabadoon/ Axmed Carabey
• Nabadoon/ Cilmi Shire
• Abwaan/ Maxamed Cabdi Cibaar
• Abwaan/ Cabdidhuux Guure Cali
• Ganacsade/ Buule Xaashi Aaden
• Eng/Cabdifitaax Cali Xaydar
• Qaraxii Hotel Shaamo: 3 Dec 2009 waxa nin ismiidaamiyey uu isku qarxiyey xaflad qalin jebin ah oo ka dhaceysay Hotel Shamo waxana halkaa ku geeriyooday 24 qof oo ay ka mid ahaayeen 3 wasiir oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. Dadka ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamo oo u badnaa arday ka baxday jaamacada Banaadir waxa ka mid ahaa.
• Wasiirkii Tacliinta Sare: Prof Ibraahin Xassan Cadow
• Wasiirkii Caafimaadka: Drs Qamar Aaden Cali
• Wasiirkii Waxbarashada: Axmed Cabdullaahi Waayeel
• Dr. Maxamed Warsame Shahiid:

Fiiro gaar ah: Alshabaab waxa ay dilalkan intooda badan fuliyeen intii ay ku hoos jireen deleda dhaq dhaqaaqii loogu yeeri jirey maxkamadihii Islaamka ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ah madaxweynaha Soomaaliya. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa (Calooli wixii ay ku bukootay kuma bogsooto) markaa waxan is weydiinayaa nimankii shalay u sheegay dhalinyaradan ”dadka laaya janadaad geleysaane” alifayna mas,alada ah (Hebel Waa Ridoobay) ma keeni karaan dawo looga baxo argagaxa ay Alshabaab ku hayaan Soomaalida. Jawaabtu waa Maya, Maya, Maya

“Carab dalab leh liisaan dulmiya
Xaajo dacareysan Xaq la duugay
Been loo dukaday dabin la qoolaayo
Gacan doogan dey deyn ku gaar dad is qiyaamaaya
Aduunkiba hadii aan dayay oon dib uga faalooday
Waa dabin hunguri loo dhigtay oo daacad laga waayey”
Cabdulle Raage Taraawiil

Ilaahow Towfiiq iyo Nabad

Dadka ay dileen Alshabaab halkan laguma soo koobi karo marka wixii aan ka tagay sixid u furan wixii aan qaldayna halaga raali ahaado. Hana la ogaado in dhacdooyinka la qorayo oo maalin uun la is xisaabin doono.
Qalinkii Yasin Hussein Mohamed
USA

Wixii talo iyo Tusaale ah iigu soo dir
jaaw44@hotmail.com