Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Arin Deg Deg Ah:Luqada Carabiga Oo Haweenka 5-Eray Ku Dulmisay

Arin Deg Deg Ah:Luqada Carabiga Oo Haweenka 5-Eray Ku Dulmisay.
Waxaa la sheegaa in luqadda carabiga haweenka ay ka dhigeen kuwa dulmisay, waxaana kamid ah meelaha ay ku dulmisay illaa 5-erey inta aan heyno kuwaasi oo kala ah sida tan:-

1- Ninka marka uu nool yahay luqadda carabiga waxaa lagu yiraahdaa حي hayeeshee haweeneyda marka ay nooshahay iyaduna waxaa lagu yiraahdaa luqadda carabiga حية oo ah nooc kamid ah masaska ilaaheey baan ka magan galnee in uu na qaniino.
2- Ninka haddii ay wax kudhacaan carabi waxaa lagu yiraahdaa مصيب hayeeshee haweeneydu haddii ay wax ku dhacaan waxaa lagu yiraahdaa carabiga مصيبة oo ah musiibada balaayada ay soomaalidu u taqaan.
3- Haddii ninka ragga ah uu xil ka qabto qaalinimada maxkamadda waxaa lagu yiraahdaa carabiga قاضي hayeeshee haweeneydu haddii maxkamadda ay xil ka qabsato oo qaalinimada ah waxaa iyana carabiga lagu yiraahdaa قاضية marka la fasirana waxa uu noqonayaa musiibada weyn.
4- Ninka haddii uu xubin ka noqdo baarlamaanka waxaa loogu yeeraa carabi ahaan نائب hayeeshee haweeneyda haddii Baarlamaanka ay xil ka qabato waxaa iyana loogu yeeraa carabi ahaan نائبة waxaana marka la fasiro loo yaqaan ereygaasi gabadha musiibada saaxiibta u ah ama اخت المصيبة
5- Haddii ninka ragga uu leeyahay hiwaayad waxaa carabiga lagu yiraahdaa هاوي hayeeshee haddii haweeneyda ay iyaduna leedahay hiwaayad waxaa carabiga lagu yiraahdaa هاوية waxaana ogsoon nahay in هاوية ay kamid tahay magacyada naarta ilaaheey baan ka magan galnee.