Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Ragoow, waa kuwan arimaha ka farxiya hablaha

Su’aal da’wayn oo madaxa raga daalisay ilaa iyo intii rag iyo dumar deris ahaayeen ayaa ah: Maxay doonayaan durmaku oo ka farxiya? Nasiib wanaag, jawaabta su’aasha ayaa waxa dhawaan soo bandhigay aqoonyahayn bartay cilmi nafsiga oo  u dhashay dalka England.

Aqoonyahanka oo lagu magacaabo Richard Wiseman, kana hawlgala jaamacada Hertfordshire ayaa waxa uu waraystay 6500 oo dumar ah oo ka kala socda wadamo kala duwan.
Dhamaantoodna waxa la waydiiyay waxii  ay u arkeen in uu ugu roomantik badnaa ee uu nin u sameeyay.
Waxayna ku jawaabeen sidatan:

  1. Markii uu nin inta uu indhaha ka xidhay, u kaxeeyay meel, tusayna wax ka yaabiyay oo ay ku farxday.
  2. Markii uu safar gaaban u kaxeeyay.
  3. In uu qoray gabay ama hees ku saabasan ayada.
  4. Uu u sheegay in ay tahay ta ugu cajiibsanayd ee uu la kulman intii uu noolaa.
  5. U diyaariyay xamaam ay ku raaxaysatay bacdo shaqada.U diray mail ama sms jacayl ah.
  6. Uu quraac ugu keenay sariirta subaxdii marka ay tooseen.
  7. Uu dhaxan haysay kaga celiyay jaakad uu xirnaa mar ay banaan wada joogeen.
  8. Uu u diray ubax ama jokolaato marka ay shaqaynaysay.
  9. Uu ugu diyaariyay CD ama mp3  dhamaan heesaha ay jeceshahay oo dhan.
Hadaba hadii ay kuwaa yihiin shuruudaha ugu muhiimsan ee ay haweenku idin ka rabaan in aad fulisaan, wax aad moodaa in ayna sidaa u sii adkayn in aad ku guulaysataan.  Markaa dadaalka ha la sii badiyo!

flower210@hotmail.it