Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Ma Dooneysa In Aad Noqoto Nin Romansi Ah

ka dib dhismaha guriga labada lamaane ayaa waxaa muhiim ah in la sameeyo hab ka duwan qaabkii jaceyl ee uu guurka ku yimid, taasi oo ah jaceylka Roomaantiga. Eray ahaan Roomaantik waa mashaacir ama dareemo , waa awoodda in la is fahmo taasi oo sara u sii qadeysa jiritaanka jaceayalkaada. Hadaba ma doneysa ian aad noqoto nin Roomaantig ah ama haweeney
Roomaantig ah oo abuuri karta dareeamaha jacaylka, hadaba raac tusaalooyinkan:
*Dheh waan ku jecelahay xitaa haddii ay caraysan tahay , Eraygani waxa uu badalayaa dareemaheda waxa ay ka dhigeysaa xaalada midii ugu fiican.
*Si naxariis ay ku jirto oo tartiib ah ug qaad timaha wajiga ka soo saarma marka ay kula hadleyso.
*Farahaaga uga tir ilinta indhaheeda ka timaada haddii ay wax ku dhacaan sidaa darateedna ay u ilamayneeyso.
*Haddii ay dhacdo in jiifka ay kaga hormarto oo ay gasho qolka jiifka, ha ku deg degin durba yara sug, si tartiib ah u gal, haka kicin si naxariis ah ugu dabool go’a ama bustaha isla markaana si naxariis leh u dhunko.
*Haddii saaxibadaada aadan la aqal galin oo jaceylka bartanka kaga jirtaan, marka ay seexato u qor fariin jaceyl ah si marka ay soo toosto ay u aqriso.
Haddii ay dhacdo in aad ka soo hor kacdo subixii ha sugin oo fadlan quraac yar oo macaan u kari deedna miiska fadhiga ugu diyaari.
*Marka ay cuntada kuu keento u mahad celi kuna dheh waad cuno macdahay adiga oo sii dhunakanaya gacanteeda.
*Marnaba haka caajisin in aad caawiso oo aad u yara foorarsato marka ay xeraneyso kabaha oo xariga kabaha u toosi, adiga indho dabaacsan kor ugu soo eegaya.
*Marka aad wada daawaaneysaan Tv-ga ama Filim oo aad aragto in uu si wacan ugu socdo, si tartiib ah u istaag, isla markaana galaas biyo qaboow u keen oo kaga nixi (sii galas biyo ah oo qabow)!
*Marka aad shaqada ku maqan tahay mar ama laba mar la soo hadal kuna dheh waan kuu xiisay qaali.
*Haddii ay dhacdo in gaarigiina qof sedexaad uu idinla raaco iyana ay fariisato qeybta dambe si naxariis leh indhaha kaga xad muraayada gaaraiga una iljibi adiga oo indho jaceyl muujianaya.
*Habeenada ay daalan tahy si naxariis leh u istaag oo jirka kariim ka mari, adiga oo erayo dabacsan kula hadalaya oo xabeeb ay ku jirto.
*Dhunko gacmaheeda una muuji in ay tahay nimco uu Allah ku siiyay.
*Si tartiib ah ku dheh wan ku jeclahay adiga oo dhagteeda u dhawaanaya isla markaana fiiro dabacsan ku eeg.
*U gee hadiyad ay ku jirto waraaq erayo macaan oo jaceylka aad u qabto muujinaysa aad ku soo dhex riday.
*Si dabacsan uga dhunko wajiga iyo dhabanka ka dib jirka qeybihiisa kale .
*Ugu yeer erayo macaan , iyo magacyo cusub oo aan aheyn keedii hore sida Xabiinteyda, qaali, xayaatal qalbi.
*Ula baxa booqasho baashaal isla maarkaana indhaha uun kala hadal in muddo ah, dhoola cadeynna sii raaci , gacmaheda qabo inta aad sheekada u hayso.
*Marka aad asxaab kale la jaoogtaan si gooni ula bax xaaskaaga si hoosana ugu sheeg adiga oo dhagta afka u saaraya kuna dheh in ay tahay qofka ugu qurxoon waxa meesha jooga.
*Marka aad suuqa kawada adeeganeysaan istaaag adiga oo dhoola cadaeyna kuna dheh(in badan ayaan ku faraxsanahay in aad tahay xaaskeyga.
*Sawirkiina aqal galka meel wacan ka sur guriga oo ay ka arki karto waayo waxa uu siinaya daremo adag oo ku adaan munaasabadii guurkiina.
*Inkastoo xitaa sanado badan ay ka soo wareegatay guurkiina marnaba ha ugu yeerin xaaskeyga.
*Haddii ay awoodu ku siiso asbucii hal habeen ka soo wada casheeya baararka waa weyn iyadoo markaasi idin shidan yahay shumac.

flower210@hotmail.it