Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Digniin:Haweenka Qurxoon Oo U Daran Caafimaadka Ragga

Daraasad ay sameeysay quburo ka tirsan jaamacada Velencia ee dalka Spain aya shaaca ka qaaday in haweenka qurxoon ay saameyn xun ku yeeshan caafimaadka ragga .
Daraasada ayaa tilmaantay in ninka ragga ah muddo 5-daqiiqo ah 
oo kaligiis la joogo haweeney aad u qurxooon in uu sara u kacayo Cortisol-ka ku jira dhigiisa .
Cortisol-ka ayaa ah Hormone daaliya jirka , iyadoo la tilmaamayo in jirka daalka jismiyadeed iyo midda nafsaani ay in badan ay keeni karto inuu qofku ku dhaco cudurada wadnaha.
Ragga ayaa aamisan in haweenka qurxoon ee ay xariirka la leeyihiin ka wacan yihiin , iyadoo xiliga maskaxdooda ka fekereyso arinkasu uu sara u kacayo Cortisol-ka.
Dhanka kale darasada aya sheegtay in ninka oo guursada haween caqli badan aqoon leh uu ka yareynayo in uu ka dhaco wel wel iyo cudarada wadnaha , waxa uuna dareemaya in hab nololeed wacan u leedahhay .

W/Q: Yaasiin Hussein Mohamed
flower210@hotmail.it