Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

SMS LOVE: Haddii Dhaqtarka Jaceylka La Ii Geeyo Waa Hubaal In La Iga Helayo ….

Waxaad tahay axad qaali ah oo aan ka reebi waayey xusuusteyda? Naftayda ayaad ku qoran tahay, waxaad harsataa qalbigayga. Halbowlayaasha dhiiga ayuu xulaa dareenka ka go’i waayey laabtayda, beerka ayaad ku taalaa, boggana boog aan bogsan ayaad ku leedahay taas oo ku danqata xusuusta kulul ee ku soo dhacda maankayga.

Waxaad tahay qof bashar ah oo uu ILLAAHEY abuuray haddana si weyn ayaan kuu adeecayaaa? waala igu colaadiyay hadal heynta xaggaaga ah oo ay dhaafi waayeen dibnahan iyo carabkan u bartay ku celcelinta magacaaga quruxda Badan.
Ilama aha in uu adduunka saaran yahay axad lagu garab dhigo, mana qabo in uu Jaceylkaaga igaga bi’i karo sahal oo waxaan ku Jeclaaday Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn ee walaal aanu u hibeyn walaalkii ama aabe wiilkii. ?qof jaceylka wax weyn ka garanaya ayaad tahay oo dhadhankiisa arkay.
Ma garanayo goor aan ka hirqan doono xubbiga ka buuxa laabtayda? dhadhanka dareenka farxadda ee jaceylkana noqon doonto mid taabo gasha.

Ma caddeyn karo wax xag Ilaahay jira? lakin rajadeydu waa mid ubad dhal kusaleysan. Ogoow wehelkaygiyey wadnahad kutaala, koley intii yareyd aad I moogeyd uu culeys badan ku dhacay naftayda, qalbiga ayaan ku hayaa in aan noolaan karin la’aantaada? is badal baa ku dhacay naftayda, waxaana ugu wacan aragti la’aantaada, marnaba kuma iloobi karo waqti walbo inan kudaawado ayan rabaa xubi.
Hilibkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa??!!! haddaba wehelkaygiyeey sideen kuu moogaan karaa??!!! Ma garanaayo waxa aan ku matalo sida aan u jeclahay la joogaaga? qalbigaygiyey haddii aan baalal lahaan lahaa inta aan soo duulo sida shimbirka boqorka baalaleyda ee Galeyrka ayaan iskulka kusoo degi lahaa qaasatan meesha ad hadda fadhido keligaa ee sideen kuu moogaan karaa gacaliso??!!! Naftaa ku raacday oo iska kaa daba gashay sideen kuu moogaan karaa??

Dareenkii raaxada, dhadhankii nolosha marna kaama ahaan karo wehelkii naftaydaay oo gacalisooy sideen kuu moogaan karaa??!!!
Xabiibi hadii dhaqtarka ama sheybaarka dunida ugu sareeya ley geeyo oo labaaro dhigeyga ayadoo laga baarayo jaceylka aan kuqabo waxa hubanti ah indhibickasta oo dhiigeyga kamid ah lagaheli lahaa 1000.000.kun koroojo oo jaceylka ankuuqabo ah waxanku hibeyay kalsoni mida ugu weyn waxan ku hibeyay qalbigeyga kaasoo loobaahan yahay inaad weligaa garafo ka dhowrto macaney xubiga qalbigeyga kabuuxo ma.ahan mid lugu sookoobi karo qoraal.