Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

U Gaar Ah Haweenka Uurka Leh!! Iska Ilaali Coffe-ga.

Baaritaan la sameeyay ayaa sheegaya in haweenka Uurka leh ee badsada cabidda Qaxwada in ay dhalaan Ilmo Meyd ah .
Daraasadaan oo lagu sameeyay in ka badan 18-kun oo haween Uur lahaa kuwaasi oo maalintii cabayay ku dhawaad 8-koob oo qaxwo ah waxa ay noqdeen kuwo u nugul in ay dhalaan uur jiif Meyd ah .
Baarayaasha ayaa sheegay in Coffe-ga ku jira qaxwada uu ciriiriyo halboolaha dhigga ee quudinayay Uur jiifka iyadoo loo marayo barta loo yaqaan xariga qarsoon (Umbilical cord).
Waxaana taasi ay keeneysaa uu Oxygen-ka uu uur jiifka uu u baahan yahay yaraado taasi oo wax u dhimeysa kobaca uur jiifka .
Taqaatiirta ayaa iminka kula talinaya haweenka Uurka leh in ay iska yareeyaan cabiida qaxwada Coffe-ga si uur jiifka uga soo dilmin .


Yasin Hussein Mohamed