Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Ma Ogtahay Akharistow In Waxtarka Geela Ee......!!!!


 Geella oo sida aan unaqaano ka mid ah Xoolaha Nool ee ay dhaqdaan Soomaalidu, wuxuu leeyahay Faa’idooyin aad u baladhan. Maqaalakan waxaan u soo qaatay bal in aan idin xasuusiyo Geella iyo Waxtarkiisa.

Geellu waa Xoolaha ugu qaalisan ee dadka Xoola dhaqatadu ay dhaqadaan, Faa’idoonyinkiisa ugu badana waxaa ka mid ah.
 
1.Caano.
2.Hilib.
3.Gaadiid.
4.Guurka.
5.Magta .
6.Magac.
 
Ilaa iyo inta ay Taariikhdu Xusayso waxay Soomaalidu Dhaqanjirtay Geella, Geella  oo ay Dhaqdaan ummadaha  Daga Bariga, Waqooyiga, Afirka , iyo  Bariga dhexe (JASIIRADA CARBEED). Geella oo aan ognahay Adkaysiga uu u leeyahay Oonka, Gaajada iyo Socdaalaka ama Geediga.
 
Ayaa dadka aan tilmaanay ay lagamamaarmaan u tahay in ay dhaqaan Geella si Baahidooda Noololeed ay u Daboolaan. Sida aan Qodobada kore ku soo tilmaanay Geelu wuxuu ka qaybqaata Noolool maalmeedka Dadka dhaqda waxayn aad ugu xidhanyin Geela dhaqashadiisa.
 
CAANAHA:-
Xoorkii laga Cabay Xaagaa Hore iyo Xasuusba Geell lagu Xer Geeya. Caanaha Geella oo aad u faa’ido badan ,Cudura badana  Daawa u ah waxay dadka dhaqdaa Geella u isticmaalaan sida Cuntada Geeljiruhu waxaa dhacda in u san Muda dheer usan wax baad ah helin  oo uu ku noolado Caanha oo kaliya.
 
HILIBKA
Sidoo kale Hilibka Geelu waa hilib aad loo jecelyahay Cunidiisa , waa Hilib Reerka oo dhan ay ka dhargaan marka Neef la qalo. Waxaa la qalaa marka Aroos ama Geeri la iskugu yimaado si Martida iyo dadka meesha isugu yimid Cunto ku filan loo helo.
 
GAADIIDKA:
Geellu waa Gaadiid Madaale ah. Kaalin lixaad lehna ka qaata Reerku Marka uu Guurayo Maaddama ay Soomaalidu tahay Reer Guura ku xidhan Daaqa iyo Biyaha., Waxaa loo Isticmaala Dhaanka, Safarka Saadka reerka loogu raadiyo.
 
GUURKA:
Geelu Wuxuu Door wayn ka ciyaara ama ka qaata Guurka Dadka dhaqda Geella, Marka Wiil uu guursanayo, Waxaa lagu xisaabtama Yarad, Ninka Geella lihina wuxuu bixiya Geell Yarad ah marka uu Wiilkiisa u rabo in uu Gabadh u guuriyo. Yaradku Wuxuu
 
 
wanaajiya Xidhiidhka Labada reer eek ala Guursaday aadna way iskugu soo dhawaada oo waxay noqonayaan Dad Xidiid ah oo Xoolo iyo Dadba wadaaga.
 
MAGTA:
Geelu wuxuu Door way ka qaata Xalinta Khilaafadka dhexmara Bulshadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Marka ay dhibaato ka dhexdhacdo, Waxaa Geela lagu xaliya ama loo isticmaalao, XEER,XAAL IYO MA-DHAW. Kaasoo Khilaafkii ku badala nabadayn iyo Wanaaga. Waa Faa’idoonyinka Geela.
 
MAGACA AMA SHARAFTA.
Ninka Geella leh wuxuu Bulshadda dhexdeeda ku leeyahay Magaca iyo Sharaf aad u balaadhan, taas oo uu ku mutaystay Hantada aadka loo qadariyo ee Geella ah. Dadka Geella Dhaqada waxay aad u xushmeeyaan ama qadariyaan Sida loo kala Geell badanyahay ayaa GARTA IYO TALADA Loo gooya.
 
Geella oo aanan halkan ku soo koobi Karin Faa’idadiisa hadan waxaan jeclaysta kaliya in aad idin xasuusiyo in aan la ilaawin Caanihii  Geellii ee la inagu soo Anqariyey.
 
Kala soco Barnaamijyo kale oo intaa ka faraban  website-ka www.horyaalnews.blogspot.com