Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

“Maxay Tahay Sirta Ku Jirta Haweenka Oo Aad U Jecel Cunista Nac-Nac Qoriga,Daraasad Cusub Oo Daah Furtay In Haweenku..

Cilmi baaris lagu sameeyay haween fara badan oo aduunka ku nool ayaa waxaa lagu ogaaday in haweenka ay aad u jecelyihiin Nac-naca
qoriga oo ah inta badan wax ay aad u isticmaalaan walow sababta rasmiga ah ee ka danbeysa arintaasi aanan la ogaan marka laga reebo mala abaal la sameeyay mooyee.
Inkastoo nac-nac qoriga uu yahay wax loo cuno faakaheysi ayaa hadan waxaa la ogaaday in haweenka xiliga ay cunayaan ay ku kor fakiraan ayagoo xiligaasi dhisa daara aad u waaweyn oo aan sii nagaanin marka laga reebo daqiiqadaha fakarka mooyee.
Maria Dodiky waxa ay ka mid tahay gabadhaha aadka u jecel cunista nac naca waxa ayna sheegtay in maalin kasta ay cunto ku dhawaan 15-xabo oo nac nac ah ayadoona wax sabab ah aanan sheegnin balse si qosal ah ayay u tiri ” waxa uu shaabahaa sida xubinta taranka ragga ” .
Marka aad marto wadooyinka magaalooyinka waa weyn ayaad ku arkeysaa gabdho fara badan oo afka ku heysta nac naca waxa ayna aad u cunaan xiliyada galbihii ama xiliyada shaqa rawaxa iyo Iskuulada waxana aad u badan gabdhaha da’dooda ay tahay 18- 25-ka sano oo ah jiilka aad u xamaasadeysan xiligaan.

faldan wixii comment ah ama fikrad ah inoogu soo dir cinwaanka 
flower210@hotmail.it


Mahadsanidin