Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Ma ogtahay Aqristoow

Barnaamij uu soo diyaariyay iskuna soo duba riday wariye Yaasiin Hussein Mohammed (Raanow), waxa uu ku bilaabmayaa:
Ma gtahay akhristow, malaayiin iyo malaayiin geed oo ku yaala dunidda in uu dabagaaluhu si kama’a ah u
beero isaga oo aan is ogayn, sababtoo ah dabagaaluhu wuxuu asaa midho, dabadeena waxa uu iloobaa goobtii uu ku aastay, taas oo keenta in ay midhahaasi baxaan.
Ma ogtahay akhriste, hadii aanad cunin oo aad ursato oo kaliya qolofta sare ee diirka muuska iyo diirka Tufaaxa cagaaran in ay aad kaaga caawinayso dhimista culayska miisaanka xad dhaafka ah ee jidhka.
Akhristow aa ogtahay, in caloosha dadku ay soo saarto labadii todobaad ee kastaba gan cusub, hadii kale oo aanay taasi jiri lahayna in ay iyada lafteedu is dheef shiidi lahayd.
Ma ogtahay, maskaxdda bina’aadamku 80%, in ay ka kooban tahay biyo, halka 20%, ay yihiin walxo midabkoodu buni yahay.
Ma la socotaa akhristow, in dalka Maraykanku uu noqday dalka Ugu furiinka badan dumarka dunida oo dhan.
Ma ogtahay, magaaladda weyn ee Shanghai, ee ku taala dalka Shiinaha in ay mamnuuc ka yihiin baabuurta midabkoodu uu casaanka yahay.
Ma ogtahay, 45-kii ilbidhiqsi ee kasta in uu dab qabsado guri ku yaala dalka Maraykanka.
Ma ogtahay akhristow, Xarafka “E” in uu yahay xarafka loogu isticmaalka badan yahay Luqadda Ingiriisida, halka Xarafka “Q”, uu yahay ka loogu isticmaalka yar.
Akhriste ma ogtahay, dunida guudkeeda in ay sanad walba ka dhacaan Konton kun oo dhul gariira.
Ma ogtahay, falaadha la mariyo sunta mid ka mid ah rahyaasha lag helo Laatiin Amerika in ay qudha ka jari karto dad gaadhaya laba kun iyo laba boqol oo qof.
Ma ogtahay, celcelis ahaan garaaca uu sameeyo wadnaha ninku in uu aad uga hooseeyo garaaca uu sameeyo wadnaha qofka dumarka ah.
Akhristow ma ogtahay, in celcelis ahaan dadka Dutch-ka ahi ay noqdeen dadka dunida ugu dhaadheer.
Ma ogtahay, dunida guudkeeda in maalin walba lagu cabo shan iyo toban Bilyan oo xabo oo sigaar ah.
Ma ogtahay, carruurta ku dhalata dalka Jarmalka in loo baahan yahay in loo magac bixiyo ka hor inta aanay soo dhalan.
Ma ogtahay, cimriga geedka loo yaqaano saliid Saytuunku in uu gaadho kun iyo shan boqol oo sano.
Ma ogtahay akhristow, in maalintu ay ka kooban tahay lix iyo siddeetan kun iyo afar boqol oo il bidhiqsi.
Ma ogtahay akhristow, in luqudda ingiriisuddu ay ka kooban tahay shan boqol iyo afaratn kun oo kalmadood, welina ay sii socoto korodhkeeddu.
Ma ogtahay, in ilmaha yari uu seddex jeer ka riyo badan yahay qofka weyn.
Ma ogtahay, bisaddaha iyo eydu in ay la mid yihiin dadka, oo ay leeyihiin bidixlayaal iyo midiglayaal.
La soco qaybta kale oo ka mid ah barnaamijkan oo aad xiiso badan todobaadka dambe, hadii Allah ka dhigo.