Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

16-JIR LOO AQOONSADAY NINKA ADUUNKA UGU GAABAN

Ninka Aduunka Ugu Gaaban oo Loo Caleema Saaray Nin ay dhalashadiisu tahay Dalka Philippines Iyo Saxafadda Aduunka oo Soo Buux Dhaafisay Goobta

Junrey Balawing oo ah nin ay dhalashadiisu tahay dalkaasi Philippines ayaa waxaa loo aqoonsaday oo loogu diiwaan galiyey buuga lagu qoro rikoorada adduunke ee Guinness Book of World Records inuu yahay ninka adduunka ugu gaaban ka dib markii uu dhawaantaan noqday nin 18 sano jir ah

Ninkaan oo cinwaankaas kala wareegey nin u dhashay dalkaas Nepal oo lagu magacaabo Khagendra Thapa Magar ayaa waxaa la sheegay inuu dhererkiisu uu yahay 59,93 centimeter taas oo ka dhigeysa ninka adduunka ugu gaaban maadaama ninka uu jagada kala wareegey uu ahaa dhrerekiisu 67 centimeter oo kaliya


Ugu dambeyntiina ninkaan oo ku nool tuulo ku taal dalkaas Filipiin ayaa waxaa la sheegay inuu joojiyey koritaanka ilaa iyo xilligii uu 2 sano jirka ahaaba iyadoo uu ninkaan uu dhibaato weyn ku qabo istaagnaanshaha mudo dheer oo uusan taagnaan karin islamarkaana ay dhib ku tahay socodka caadiga ah oo uu u baahan yahay wax uu cuskado, dhaqaatiirta baaritaanka ku sameeyey ninkaas ayaa ku guuldareystay inay wax ka sheegaan sababta uu ninkaan sidaas ugu gaabnaadey

Hoyga Dhacdooyinka Somalia