Welcome To Yaasiin Hussein Home Page

Maxaa Buurta Carafa loogu bixiyay magacaas?

Buurta Carafo waxay ku taallaa goob dhinaca bari ka xigta illaa 20 kiilomitir magaalada barakeysan ee Makah ee Boqortooyada Sucuudiga. In la istaago Buurta Carafo maalinta sagaalaad ee bisha Dul-Xijah waxaa lagu tiriyaa inay tahay tan ugu muhiimsan rukunnada xajka sida uu sheegay Nabigeena (NNKH) oo yiri “Xajku waa Carafa”.Waxaa la sheegaa in magaca Carafa uu ka soo jeedo ereyga Carabiga ee “Aqoonsi”, taasoo ah meel ay dadku isku aqoonsadaan ama in markii Amiinkii Waxyiga Jibriil  uu dawaafiyay Ibraahim (CS) uu ku dhahayay ‘ma garaneysaa?’, isaguna uu ku jawaabayay ‘waan garanayaa’. Ama wuxuu ereygu ka soo jeedaa in markii Aadam iyo Xaawa ay ka soo dageen Jannada ay isku aqoonsadeen goobtaasi.
Banka Carafaat wuxuu ku yaallaa meel ka baxsan xuduuddda Xaramka, wuxuuna ku yaalla cirifka bari ee Xaramka, wuxuuna cabbirkiisa dhan yahay 10.4 km oo isku-wareeg ah, waxaana lagu qoray calaamado muujinaya xuduuddiisa.
Carafa waa dhul ballaaran oo siman, meelaha ugu caansan eek u yaallana waxaa ka mid ah Masjidka Nimra oo lagu tukanayo salaadda iyo khudbada maalinta Carafo iyo buurta loo yaqaanno Al-Raxma.
Buurtan ayay ku kulmeen xujeydu maanta, iyagoo halkaasi ku tukaday salaadihii duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen, isla markaana is raaciyeen, waxayna joogi doonaan illaa uu gabbalku ka dhaco.
Magaca Carafa wuxuu ku xusan yahay Qur’aanka Kariimka ah.
Dadka aysan u suurtogelin inay ka qeybgalaan Xajka waxaa habboon inay soomaan maalintan oo kale.
Ilaah kuwa xajinaya ha ka aqbalo xajkooda, kuwa soomana soonkooda.