Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana
uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina
waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka
Itoobiya, halka koonfur galbeedna
uu ka xigo dalka Kenya.
Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.
60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo 5% oo ah dad Kaluumayato ah.
khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.
Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).
Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.
Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.
Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).

Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.
Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.
Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:

- Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
- Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
- Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
- N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
- Iyo gobolada Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.
shantaan
gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay
eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda
qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo
N.F.D.
Hadaba
markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay
ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan,
Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay
goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku
soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi
la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer
waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu
kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii
horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay
timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa
sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka
noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu
kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana
la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku
noqdeen sideed iyo toban gobol.
Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.
1. Gobolka Banaadir.
Shingaani | Hodan | Howlwdaag | Shibis |
Boondheere | Yaaqshiid | Kaaraan | XamarJabjab |
Xamarweyne | Cabdicasiis | Wadajir | Waaberi |
Wardhiigley | Heli waa | Dharkiinley | Dayniile |
2. Gobolka Shabelada Dhexe.
Jowhar | Balcad | Cadale |
Aadanyabaal |
3. Gobolka Hiiraan.
Beledweyne | Buuloburte | Jalalaqsi |
Matabaan |
4. Galguduud.
Dh/mareeb | Caabudwaaq | Ceelbuur |
Ceeldheer | Cadaado |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
5. Gobolka Mudug
Gaalkacyo | Hobyo | Jariiban |
Xarar dheere. | Galdogob |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
6. Nugaal.
Garoowe | Eyl | Sinujiif |
Boocane | Rabaable | Burtinle |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
7. Gobolka Bari.
Boosaaso | Qandala | Iskushuban |
Bandarbayla | Caluula | Qardho |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.
8. Sool.
Laascaanood | Xudun | Caynabo |
Taleex |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
9. Sanaag.
Ceerigaabo | Laasqoray | Ceel afweyn |
Baran | Buraan |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.
10. Togdheer.
Burco | Owd weyne | Sheekh |
Buuhoodle |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.
11. Gobolka waqooyi galbeed.
Hargeyso | Berbera | Gabiley |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
12. Gobolka Awdal.
Baki | Boorame | Saylac |
Lug haya.
|
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
13. Gobolka Sh/hoose.
Marka | Baraawe | Qoryooley |
Afgooye | Wanlaweyn | Kurtunwaarey |
Sablaale. |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
14. Gobolka Bay.
Baydhabo | Buurhakaba | Diinsoor |
Ufurow | Qansax dheere | Bardaale. |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
15. Gobolka Gedo.
Garbahaarey | Luuq ganaane | Doolow |
Beled Xawo | Ceelwaaq | Baardheere. |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.
16. Gobolka Bakool.
Xudur | Waajid | Yeed |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
17. Gobolka Jubada Dhexe.
Bu'aale | Dajuumo | Baardheere |
Saakow | Jilib |
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu'aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.
18. Gobolka Jubada Hoose.
Kismaayo | Afmadow | Badhaadhe |
Gobolkan
waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku
tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo'da.
Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.
Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.
Xamar | 247km | Baydhabo | Xamar | 550km | Dhuusomareeb |
Xamar | 111km | Marka | Xamar | 1600km | Hargeysa |
Xamar | 90km | Jowhar | Xamar | 1220km | Laascaanood |
Xamar | 335km | Beledweyne | Xamar | 925km | Garoowe |
Xamar | 485km | Bu'aale | Xamar | 1505km | Boosaaso |
Xamar | 500km | Kismaayo | Xamar | 1800km | Baki |
Xamar | 430km | Xudur | Xamar | 1340km | Burco |
Xamar | 505km | Garbahaarey | Xamar | 1450km | Ciiregaabo |
Xamar | 750km | Gaalkacyo |
Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.
|
Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.
Dalkeena
waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi
karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:
Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo'da oo iyagu la'isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac. 2. Lo'da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo. 3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal. 4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

Dalagyada
Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla
markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku
qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:
Magaca
|
inta ay ku bislaato
|
Galayda | 90 beri |
Masagada | 90beri |
Sisinta | 90beri |
Muuska | 180beri |
Digirta | 80beri |
Yaanyada | 80beri |
Babayga | 90beri |
Bataatiga | 180 |
Lowska | 120 |
Canbaha | 6sano |
Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.
Hohob | Mareer | Gud | Dhafaruur | Dhuwan | Ontoro |
Deegaan | Dhebi | Gob | Miracas | TukeLalmi | Murcood |
Kobash | Askax | Shanfarood | Barde | Dhamaag | Qoone |
Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana
dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka
Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr,
magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula,
boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe,
kismaayo
Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah" 1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar. 10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
11. 21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
14. 1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke.
18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre
19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
22. Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.

Qoraa:Yasin Hussein mohamed
E-mail:jaaw44@hotmail.com
DAAWO QEYBO KA MID AH SAWIRADIISA
GEOGRAPHY AND POPULATION
18-ka Febraayo Xasuusta taariikhdii Isbahaysigii
18-ka Febraayo Xasuusta taariikhdii Isbahaysigii Ladagaalanka Argagixisadda, Taariikh cibro qaadasho u baahan iyo Ciribtii dagaal oogayaasha, Khudbooyinkii iyo qodobaddii ay soo bandhigeen (Taariikh Kooban)
W/D: Yasin Hussein Mohamed
jaaw44@hotmail.com
Waxay aheed maalin xasuus gaar ah laheed kadib markii wariyayaal badan oo aan kamid ahaa la isugu yeeray xarunta uu magaaladda Muqdisho ka daganaa hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile maalintaas ayaa ku beegneed 18-kii Febraayo ee 2006 maanta oo kale oo hadda laga joogo laba sanadood.
Waxaa halkaa ka soconayay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xarunta Wasiirkii Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsanaa Wasiiradii xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysanaa xiligaas ayna ka mid ahaayeen Wasiirkii Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirkii Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirkii dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirkii Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), iyo xuno ka mid ahaa ganacsataddii Gobolka Banaadir oo kala ahaa Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, & Ciise Cusmaan Cali waxaana sidoo kale ka soo qeb galay Guddoomiyahii xisbiga siyaasiga ah ee Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xirsi. iyo nin markaa ku cusbaa masraxa siyaasadda ama qabqablayaasha magaaladda Muqdisho waa Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyadoo ay gadaalna kaga soo biireen Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid iyo Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo tiradda isbahaysiga gaarsiiyay ilaa 11 xubnood halka ay 9 xubnoo ahaayeen kuwii aas aasay ee ku dhawaaqay.
Ujeedadda Kulankaa ayaa ahaa in halkaa looga dhawaaqo isbahaysi ay ku mideysanyihiin inta badan Hogaamiye kooxeedyaddii xiligaa hubka iyo taageeradda badan ku lahaa magaaladda Muqdisho iyo qaar kamida ganacsatadda Gobolka Banaadir kaas oo isla maalintaasba dhidibada loo taagay looguna magac daray Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisadda iyo soo celinta nabadda.
Waxaa dhanka kale isla maalintaas bilaawday dagaalkii u dhaxeeyay Isbahaysigii cusbnaa iyo waliba gollaha Maxaakiimta islaamka iyadoo la maqlayay rasaas iyo madaafiic ay is weydaardaarsanayeen ciidamadda isbahaysiga gaar ahaan maleeshiyadkii Maxamed qanyare iyo Gollihii maxaakiimta islaamka.
Inta badan dadku waxay aad ula yaabeen ama cabsi ku abuurtay hogaamiye kooxeedyadda isbahaystay iyo sida looga adkaan karo iyadoo markaana dadku ay wada saadaalinayeen in la weyn doono awood ishortaagta hogaamiye kooxeedyadaas oo iyagu ahaa kuwii ugu hubka badnaa magaaladda Muqdisho.
Hadaba waxaa isla maalintaasba hadlay oo war siiyay saxaafadda Gudoomiyihii gollaha Maxaakiimta islaamka Sh Shariif Sh. Axmed oo sheegay in ay dagaal kaga hortagi doonaan " Isbahaysiga Sharta iyo Sheydaanka insha allah wey jabbi doonaan iyagaana ka shalaan doona waana Ashahaado la dirir" ayuu yiri Sh. Shariif
Maanta oo kale sanadkii 2006 waxay aheed taariikh iyo isbadal la yaab leh ee soo mara dalka Soomaaliya tan iyo intii xukuumaddii Milatariga laga saaray dalka, iyadoo dhamaan xubnihii ku bahoobay isbahaysigii ladagaalanka argagixisadda laga eryay goobihii ay ka talinayeen lagalana wareegay hubkoodii waxaana intaa sii dheereed in qaarkii ku jiray dowladda KMG ah iyana laga xayuubiyay xilalkoodii intaas oo dhan waa taariikh u baahan cibro qaadasho maadaama dadkii awooda isbadi jiray dharaar cad cagta cagta loo saaray lagana ceyriyay fariisimahoodii.
Hadaba waxaan rabaa in aan idin soo xasuusiyo ku dhawaaqistii isbahaysiga ladagaalanka argagixisadda iyo qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen hogaamiye kooxeedyaddii iyo qaar kamid ahaa ganacsatadii M/Muqidisho.
Qoraal Saxaafadeedkoodu waxa uu u qornaa Sidan:
1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku qoran yihiin, waxaan nahay Isbaheysi Soomaali ah oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada & la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah ( Counter terrorisim) ee wadankeena joogt & kuwa u kaalmeynaya dembiilayaasha ajnebiga ah.
Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono dib u dhiska wadanka, sida iskuulada, isbitaalada, masaajida & taakuleynta culumaa'udiinka, waddooyinka, siinta biyo nadiif ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la hormarinayo.
2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil, jufo ama qoys kama soo horjeedno, mana metelno reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo badan oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada & sharci darrada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal nabadgelyo leh wadankeeda & caruurteena, howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.
3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo aanu u wadajirno sidii looga shaqeyn lahaa danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn mustaqbalka qoysaskeena.
4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan waa in aan u midoownaa sidii aan dalkeena hooyo uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga soo nacay, fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in ay na burburiyaan, xorriyadeeniina lumiyaan.
5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka, kuna dhimanaya hadduu ALLE Idmo oo aaminsan ALLE & Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis korkiisa ha ahaateen, mana aqbaleyno in iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo dalkeena & dadkeena si guracan.
6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay bulshada muddooyinkan dambe ka dhex-muuqdeen iyagoo isku muujinaya in ay shacabka nabadgelyadiisa ka shaqeynayaan, ayna ku dhex wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda dembiyada ka soo galay.
Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto dalkeena maadaama aysan ku noolaan karin dal uu sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka soo carareen.
Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo isticmaalo qarbudaad & in lagu fuliyo afkaaro aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka bini'aadamka ee nabadgelyada ku dhisan.
Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan aadna u fool xun oo lagula kacayo ciddii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn fikradaha kulul ee argagixiso-nimo, dilalkaas waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, ciddii wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo laga xalai jiray, hase yeeshee inkastoo ay is qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa sharciga haddii ALLE Idmo.
Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo isugu jira culumaa'udiin aan aaminsaneyn in dil & burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano, saraakiil & waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii la leeyo waa loo jeedaa waxa lala damacsan yahay wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka aan la xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo aqoonsado hoy argagixisadu ku noolaan karto, sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la kulmo, sida annagoo xorriyadeena ku weyna.
Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee weligeen horay wadankeena looga arag waa in meel aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah lagu aaso miinooyin, si nolosha dadka loo argagax geliyo, waxaa iyadana la arko bambooyin mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu qarxinayo magaalada dhexdeeda iyadoo la doonayo in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa kaloo calaamadooda ka mid ah in ay bambooyin ku tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo sheeganaya anshax toosin, hase yeeshee waxaa la wada ogsoon yahay in aan ciddina baneysan karin dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin maxkamad la wada aqoonsan yahay.
Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah:-
1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha xag jirka ah ee ku been abuuranaya magaca diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah.
2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan Soomaaliya oo dhan kuwa biira-qaatayaasha ah oo taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo siinaya meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga & waxyaabaha wax lagu qarxiyo
3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim ah, diintoodana aan cid kale wax ugu dhimin, iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka ayaa ah diin la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku dilo, laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo gaaray rag afkaaro xag jira xambaarsan kuna gambanaya diinta Islaamka.
4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna caanbaxay in dalka Soomaaliya ay joogaan argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo dhibaatooyin kala duwan oo dhimasho keenay ka soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.
5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer & dabagalna ku sameynay aragnayna sida macna darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka, saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii & indheer-garatadii in inta hartay la daba-qabto, kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan afkaarta dhoofiska ah.
6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena Soomaaliya maanta oo uu ku sugan yahay marxalado qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin abaaraha & macluusha & kuwo bini'aadamku sababo sida dagaalada & nabadgelyo darrida, miyuu dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo dalalkooda ama wadamo kale dembiyo ka soo galay, kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya.
7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa taageero & in gacan laga siiyo sidii sharcigii & kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo celin lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah ka galno caalamka intiisa kale oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.
|
Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaan soo jeedineynaa qodobadaan:-
1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga meel looga soo wada jeesato, lagana foojignaado waxyeeladooda.
2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo duubtay ay soo wargeliyaan Isbaheysiga meesha ugu dhowl.
3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo waxyeelo geysanaya haddii ay arkaan.
4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan in Islaamka ay ka xaaraan tahay in uu wax argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci ah aysan xukumin.
5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib uga fikiraan waxyaabaha loo sheegay oo ay ka mid tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo idinla mid ah oo aysan garaneyn waxa uu ka haleeyey Islaamka.
6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka argagixisada ee sida qof loogu dhaco gurigiisa laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in howshaasu tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab mudanayo.
7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada wadankeena ay ka tanaasulaan nidaamkan qatarta ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto dhibaatooyin ka culeys badan waxa ay maleysan karaan.
Hakaan ka aqriso qudbooyinkii ay halkaa ka jeediyeen qaar kamida xubnaha isbahaysigii Ladagaalanka Argagixisadda iyo wixii ay ka yiraahdeen.
Max'ed Qanyare muxuu yiri ?!
"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la yiri aqoonyahanadeey dileen, shaqsiyaadkaasina waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo rogayaan dalka oo la mid ah Iiraan & Daalibaan oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara ma lahan, waxey furteen maxkamado, afkeeyo duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma jirto, fikirkaan annaga ayaa iska leh, balse fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda laga keenay sida bariiskii & baasatadii, waxaana la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay yiraahdaan argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama Bin Ladin, Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan, annaga dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto, damiirkeena & shacabka Soomaaliyeed rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray, Muqdisho & agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan & hay'adihii wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada Soomaaliya waa la caawiyaa laakiin Muqdisho waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"
Muuse Suudi muxuu yiri ?!
"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu daboolanaayo , muslim ayaan nahay, Islaamka in wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay nimanka saraakiisha & aqoonyahanada inta guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare, Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa gurigiisa loogu dhacay, waxaan ku midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan aragnay in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya madaxa laga goynayo, annaga nimankii hubeysnaa ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee naga maqal, idinka saxaafadda ah waxaan ognahay in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma jiraa weriyeyaashiina hal nin oo inta aan la soo hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid waan dagaaleynaa aan niri maan leenahay, dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay ma yara, annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo guryaha dadka ugu dhici kara oo tababar buuxa dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii & dhibaatadii dalka ka dhacday cid u soo gurmata ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka towbad keenta waan soo dhoweyneynaa.
Cumar Filish muxuu yiri ?!
"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen dad badan oo la dilay, balse nasiib darro cidda dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka duwan wixii horay dalka uga dhici jiray Muqdisho & Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub dalka & dalka, kana timid shisheeye, haddana shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan in aan ka soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena annaga oo la kaashaneyna ummadda Soomaaliyeed, waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta leh"
Ganacsade Bashiir Raage muxuu yiri ?!
"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa ka soconeysa, waxaanan la hureyn in la sheego runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu tegayo berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee manhajkan aan la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa nimankaas, annagu waxaan nahay dad Muslim ah ku dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana dooneyno nimankaan cusub ee howsha soo galay ee loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan argagixiso, waxaana aaminsanahay dariiqada suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee waxaan u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal, waxaan u midoobeynana aan iyaga iska dhicinaa, huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada berjo mid u dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa oo aan laga baaqsaneyn nimankaan Wahaabiyada la yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan u naqaan culimadaan suufiyada ah, waxaan ka soo horjeednana waa Wahaabiyada, Xamar na waa lagu kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon doonaa, marka ciddii rabta ALLAAHU maa balaqto in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna dhabarkeenaan ka fiirineynaa"
Xubnahan maanta isu tegaya ayey warar ku dhow dhow sheegayaan in kulankooda ay ku shaacin doonaan in ay wax ka qabanayaan Ammaanka gobolka Banaadir & sidii loogu furi ahaa kaabayaasha adeega bulshada, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in xubnahani ay doonayaan in ay dhisaan hay'ad qaabilsan la dagaalanka argagixisada
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
C/qeybdiid oo isagu mar danbe ku soo biiray isbahaysiga 16-4-2006-da ayaa isagana gadaal ka sheegay
Cabdi Qeybdiid muxuu yiri ?!
“Waxay ila tahay sadar muuqda su’aal ka dhan waxaa ii muuqday mudadii labada bilood aheyd ee la soo dhaafay dhaqamada cusub ee argagaxisadu ay la soo baxday ayaan go’aansaday in aan ku biiro isbaheysigan si dalka iyo dadka looga qabto dhibaatada ay Al-itixaad iyo shisheeyaha ay qarinayaan ku hayaana shacabka ” ayuu yiri Qeybdiid oo iska fogeeyey in arrimo la xirira dhinaca dhaqaalaha uu ugu soo biiray Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada, isagoo sheegay iin cidii lacag la siiyaa aanay diideyn balse ujeedadiisu tahay inuu guto waajib ka saaran wax u qabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
1)- Mudane Max’ed Qanyare Afrax
2)- Mudane Muuse Suudi Yalaxow
3)- Mudane Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
4)- Mudane Cumar Maxamuud Max’ed Filish
5)- Mudane Bootaan Ciise Caalin
6)- Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
7)- Mudane Bashiir Raage Shiiraar
8)- Mudane C/rashiid Shire Ilqeyte
9)- Mudane Cabdi Nuurre Siyaad
10)-Mudane Cabdishukri Cali Xirsi
11) Mudane Ciise Cisman Cali
Dagaal Adag oo lala galay Isbahaysigaas ay ku dhawaaqeen inta badan Hogaamiye Kooxeedyadda ayaa sababay in ay waayeen taageeradda dadka iyadoo xitaa la waayay maleeshiyaad u dagaalama iyadoo sidoo kalena awoodi waayay in ay isku gurmadaan waxaana ay horey u sheegeen in ay si wada jira ula dagaalami doonaan dadkii ay ku sheegayeen argagixisadda iyo iyagoo ku balamay in la isku soo gurmado balse waxaa la waayay mid mid kale garab siiya ama u gurmadda.
Maxamed dheere
Dagaalo badan oo soo laab laabtay ayaa looga wada awood roonaaday iyadoo layaabkuna uu noqday in hubkii ugu badnaa uu iyaga gacmahooda ku jira balse markii danbe mid mid xilka looga tiriyay oo hubkoodii lala wada wareegay iyadoo Ninkii isbahsyiga hoygiisa lagu aas aasay Maxamed Qanyare Afrax uu u baxsaday dhanka Jowhar hoygiisiina looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah. sidookale Bootaan Ciise iyo Cabdi Waal, halka Bashiir Raage iyo Muuse Suudi-na la sheegay dooni ay ku baxsadeen halka intii soo hartayna la waayay meel ay ka baxeen oo qaarkood qarsoodi ugu cararay dalka.
Cabdi shukri
Sidaas loogama harine ilaa jowhar waa looga daba tagay halkaas oo dabeeshii isbadalku ay gaartay ilaa gacanta lagu dhigo inta badan goboladda Koonfurta ay iyagiina maciin bideen qaarkood dowladdii ay hortaagnaayeen taasoo ugu danbeyntii iyagoo xubno baarlamaan ah kuraastii Baydhaba ku fariisteen, halka qaarkoodna laga sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen wadamo kamida afrika, waxaase intaa sii dheereed in dowladda Kenya ay qaarkamida ka musaafurisay dalkeedii.
Intaas oo dhan waxay u eheed cibro qaadasho maadaama raggii isla weynaa oo markii ay marayaan wadooyinka magaaladda Muqdisho ama goboladda ay ka taliyaan tobanaan Tikniko ah lagu waardiyeen jiray ay ciribtodii sidaa noqotay ugu danbeyna dhuumasho galay waxaase sii wanaag badnaan laheed in lagu soo maxkamadeeyo danbiyaddii ay umadda iyo dalka ka galeen.
Haatan wax walba waa ay isbadaleen laba sano kadib wadankiina cadow ayuu gacanta u galay taasoo eeda ugu badan ay leeyihiin ragaan hogaamiye kooxeedyadda ahaa oo iyagu mas'uul ka ah xasuuqa shacabka iyo waliba danbiyo kaloo farabadan.
Wali waxaa jira dad aan ku cibro qaadan iyadoo lawada ogsoon yahay in aan awood looga adkaan hogaamiye kooxeedyadaas balse ay ku dhacday caro alle iyo iyagoo awoodi waayay in ay isdifaacaan hub kastoo gacantooda ku jiray dadbaase ilaa hadda wadadaas haya oo wadankii cadow u soo hogaamiyay balse illaah ayaan ka rajaynaynaa in uu xaqa tusiyo kana tanaasulaan.

Natiijada doorashada somaliland heer qaran heer degmo,heer gobol
soyaaka somalia
qaybta 3d Sooyaalka Somalida maxaa....... { 24 Feb 2009}
| |||||||
waxaa la daabacay Tue 24 Feb 2009 18: 10: 36 | |||||||
sooyaalka Somaliya maxaa saboolka ka yelay?????????Somaliya iyo xabashida ?????????goorma????????xaggee????
Sidii
aad ku akhrisatay qaybihii hore taxanaha taariikhda faca weyn ee
Somaliya, gaar ahaan saldanadihii Somaliyeed ee jiray intii u dhaxaysay
qarniyadii 7ad iyo 15ad, waxaa jiray dagaal aan kala go' lahayn oo u
dhexeeyay boqortooyadii xabashida saldanadaha Somalida.
Dadka
iyo degmooyinka faraha badan oo dagaalkaas sida tooska uga qaybgalay
inta qoraal sugan lagu hayo waxaa ka mid ah: Xarla, Geri, Weyteen,
Awdal, Saylac, Harar, Adari, Nogob, iyo Dawaro. Waxaa kaloo ka mid ahaa
kuwa badan oo aan maanta la aqoon, laakiin ay caddahay inay soomaali
ahaayeen, sida: Moora, Gabal, Warjeex, Wargur, Hagar, Hargaya, Gaatur,
Shawa, iyo Gadaya-geri/ guray. Sida ay muujinayaan caddaymo
la hayo oo ah qoraalladii xilligaas, qabiilooyinkani waxay ahaayeen
Soomaali(facyaashii Tiirri-Dir-Jabarti) , inkastoo qorayaasha Geeska
Afrika ay arrintaas, kas ama kamma u agmareen misna waa xaqiiqa jirta oo
wali nool.
Dagaalladaas
oo intoodii badnayd Somalidu ku gacan sarraysay, isla markaasna si xun
loogu jabiyay xabashida, ayaa nasiibdarro waxaa dhacay khilaaf soo kala
dhex galay saldanadihii iyo maamulladoodii, muddo aan soddon sano ka
yarayn ayay waxay ku jireen xaalad murugo leh oo kala qaybsanaan ah,
sida uu ku tilmaamay Al-Cumari, oo ay Qaahira ugu warrameen culamo reer
Saylac ahi. Xabashidu waxay ku guulaysatay inay xiriir la samaysato rag
doonayay inay xukunka boobaan isla markaasna ay ku maal galiso ciidan
iyo hub fara badan.
Halkaas ayaa iska hor imaad siyaasadeed oo hubaysani ku dhex maray waxayna dhinacyadii Xabashidu taageeraysay qabsadeen Shawa, G/Baali iyo Hadiya. Amiirradii laga itaalka roonaaday waxay u qaybsameen qaar la macaamilaya Xabashida iyo qaar doonaya in dagaal lagaga soo dhacsado dhulka ay qabsatay. Qof kasta oo doonaya inuu xukunka boobo wuxuu u tagi jiray boqorka Amxaarada. Taasi dagaal sokeeye ayay Awfaat u horseedday bilowgii 1360kii. Xilligan waddaniyiinta waxaa hogaanka u qabtay Xaqqud-Diin iyo Sacduddiin.Labadaa wiil waxaa lagu colaadin jiray aabahood Axmed Cali Sabruddiin oo xiriir dhow la lahaa boqorka Xabashida. Xaqquddiin II ayaa xukunka kala wareegay awoowgii Cali iyo adeerkii Malasfax 1363kii. Xaruntiisa wuxuu u raray Wagal oo u muuqata B/Awfaat. Awfaat oo noqotay soohdin, dib uma samaya qaadin. Intaanu ku shahiidin goob dagaal 1373, Xaqquddiin, oo ahaa geesi laga heybeysto, wuxuu Xabashida ku qaaday inka badan 20 duullaan.Soddonkii sano ee ku xigay xukunka waxaa hayay Sacduddiin. Wuxuuna xabashida ku qaaday dagaaallo aan kala joogsi lahayn oo laga dareensanaa Yurub iyo dunida islaamka. Abaanduulayaashiisa waxaa kamid ahaa Asad, Moxamed iyo imaam Cali Saciid oo ka mid ahaa awoowayaashii Gadabuursi. Ugu dambayntii xabashidu si weyn ayay isu soo abaabuleen. Si weynna waxay sannadkii 1403dii u jabiyeen saldanadihii Somalida. Sacduddiin waxay dileen asagoo qoslaya oo ashahaadanaya. Maqriizi wuxuu xusay qof ama kuwo khaa'in ahi inay xabashida tuseen suldaanka. Afar ka mid ah wiilashiisa, Sabruddiin II, Mansuur, Jamaaluddiin II,iyo Axmed-Badlay, ayaa xukunka iska baddalay. Kulligood dagaallo aan horay loo arag ayay ku qaadeen xabashida. Mararka qaarkood waxay gaarayeen gudaha Amxaarada. Nagaash Yisxaaq, wuxuu marmar soo rogaalcelinayay weerarro xoog leh. Sannadahaas ayay ahaayeen marka uu sheegay inuu jabiyay Soomaalida. Taasi waxay u muuqataa 1425, markaasoo uu suldaan Mansuur iyo walaalkii Moxammed ku qabsaday goob dagaal.Yisxaaq laftigiisa 5 sano ka dib ayaa la dilay. Wuxuu ugu danbeeyay3 nagaash oo lagu dilay goob dagaal xilligii reer S/Diin. J/diin, oo ahaa nin cadaaladda ku dheer, maxaabiistii uu xabashida ka qabtayna ay buuxiyeen dalalka islaamka, ilma adeertii ayaa ka maseyray oo dilay1432. Badlay oo baddalay, asagoo olole ugu jira inuu burburiyo Xabashida, ayaa 1445 lagu dilay goobtii Cayn faras ee G/Dawaro.Xilligii Khayruddiin Badlay, 1445-1472; Shamsuddiin, 1472-88, iyo Moxammed Abuu Bakar,1488-1518, dagaalku waa sii socday, inkastoo loo heysto inay ka qaboobaayeen raggii ayaga ka hurayay. Laakiin 1471kii hogaaminta ciidammada waxaa la wareegay abaanduulayaal madax bannaan oo isbaddal doon ah. Waxaa ugu magac dheeraa garaad Maxfuud(1491-1517), oo 26 sano Xabashida ku qaadayay dagaallo aan hore loo arag. Xilligiisii labo nagaash ayaa lagu dilay goob dagaal. Garaadkana waxaa lagu dilay July 1517 goobtii Dalmiida ee G/Dawaro.
|
Maxaad ka Taqaanaa Aqoonyahankii, Odoyaashii & Saraakiishii ay Dileen Alshabaab.
Intii ka danbeysay qaraxyadii lala beegsaday safaaradihii Mareykanka ee Nairobi iyo Daaresalaam 7/8/1998 waxa maadaama aanay jirin dowlad dhexe oo koontaroosha xuduudaheeda ay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho gabaad u noqotay qaar badan oo ka mid ah ragii maleegay weerarka gaar ahaan Fuzul Cabdalla iyo Salih Nabhaani.Intii ay joogeen Soomaaliya waxa dembiilayaashani ay marti u ahaayeen rag aan ka xusuusto Aden Xaashi Ceyrow iyo kooxo kale oo u badnaa ganacsato leh dhaqanka maafiyada oo loo yiqiiney (Tijaarul Xarbi) kuwaasoo ka taajirey fowdadii ka taagneyd Xamar.
Laga bilaabo 11/9/2001 oo aheyd markii la qarxiyey daarihii mataanaha ahaa ee New York uuna bilowday dagaalkii Amerikanku ku qaaday Afghanistan waxa Soomaaliya soo galay qaar badan oo ka mid ahaa argagixisadii ka soo firxanaysey Afghanistan kuwaasoo iyagoo inta badan iska dhigaya ganacsato degey Xamar.
Intaa ka dib waxa shaqsiyaad ay ka mid ahaayeen Aaden Xaashi Ceyrow oo ka mid ahaa kooxihii Soomaalida ee ku xirnaa Alqaacida ay laga bilaabo sanadkii 2000 bilaabeen dilal qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsanayeen indheergaradka, saraakiishii hore ee ciidamada iyo dhamaan qof walba oo waxtar u lahaa bulshada si dhabaha loogu xaaro in Soomaaliya ay saldhig ugu noqoto Alqaacida.
Dadkii naftooda qaaliga ah ku waayey dilalkii qorsheysnaa ee ururka Alshabaab waxa ka mid ahaa.
• Colonel. Abdulahi Mohamed Warsame: “Nero”, Waxa lagu diley agagaarka degaanka Lafoole. April 2003
• Captain. Mohamed Adan: Waxa lagu diley degmada Xamarweyne April 2003.
• Colonel. Mohamed Ismail: “Guure” Waxa lagu diley Xamar Aug 14, 2004.
• Colonel Ismail Haji Osman: Waxa lagu diley gurigiisa oo ku yaala degmada Howlwadaag. Aug 14, 2004.
• General. Maxamed Cabdi Maxamed: Waxa isagoo soo tukaday salaad subax lagu dhaawacay degmada Shibis 5 sep 2004 waxa uuna ku geeriyooday Nairobi 9 nov 2004
• Colonel. Ahmed Ugaas: “Foodey” Waxa lagu diley Muqdisho bishii Oct 2004.
• Colonel. Maxamuud Abdinuur Aadan: “Bataar” Waxa lagu diley degmada Howlwadaag, Oct 26, 2004.
• General Yusuf Ahmed Sarinle: waxa lagu diley degmada Wardhiigley 23 Jan 2005.
• Colonel Xirsi Maxamuud Cumar: ”Xirsi Dhoore” Waxa lagu diley degmada Yaaqshiid, 31 Jan 2005.
• Colonel Cabdullaahi Kaahiye Cali: waxa lagu diley xaafada Afisiyooni 07 March 2005.
• Colonel: Maxamed Saciid Maxamed: Waxa lagu diley degmada Yaqshiid 21 may 2005.
• Cabdulqaadir Yahye Ali: Yahye oo ahaa nin u ololeeya nabada madaxna ka ahaa ururka CRD waxa lagu diley gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho 11 July 2005
• Colonel: Max’ed Cusmaan Coon: Waxa lagu diley agagaarka dhismaha Three Biano31 July 2005.
• Yuusuf Xassan Calasow: (Yuusuf Tarbuush) Marxuumka oo ka mid ahaan jirey ciidanka poliiska waxa 24 September 2005 lagu diley agagaarka suuqa degmada Shibis.
• G/SARE Maxamed Maxamuud Raage: (Raage Coon) waxa lagu diley Xaafada Tubaweyne oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid 7 okt 2005.
• Colonel Maxamed Xassan Maxamuud: “cadaawe” Waxa lagu diley agagaarka Teribuunka Muqdisho 21 Jan 2006
• Colonel Abuukar Maxamed Xuseen: (Abukar Dheere) Waxa lagu diley degmada Wardhiigley 16 March 2006.
• Colonel Cali Xaaji Maxamuud: (Cali weyne) Waxa lagu lagu diley galgalato, Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho 21 January 2006
• G/dhexe Abuukar Maxamed Xusseen: (Abuukar dheere) waxa lagu diley Xaafada Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho 16 March 2006.
• Marxuum Cabdi Cali Cilmi: (Cabdi Dheere) oo ka mid ahaan jirey ciidamada boliiska Soomaaliya ayaa 23 March 2006 lagu diley gaari uu la socdey oo marayey wadada caymiska ee magaalada muqdisho
• Cabdalla Deerow Isaaq: oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley Baydhabo 29 July 2006.
• Colonel Maxamed Cali Qalaf: Waxa lagu diley isgoyska Baar Ubax 3 Feb 2007
• Muxudiin Xassan Xaaji: Muxudiin oo ahaa gudoomiyaha degmada Yaaqshiid waxa la diley isagoo shaqadiisa ka soo baxay 21 Febr 2007
• Cabdi Cumar Googooye: Googooye oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir waxa la diley 21 Febr 2007
• Ibraahin Cumar Shaaweeye: Shaaweeye oo ahaa ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho waxa uu 13 March 2007 ku dhaawacmay miino loo dhigay waxa uuna markii danbe ku geeriyooday Nairobi.
• Cabdulaahi Shiikhow Xassan: Shiikhow oo ahaa gudoomiyaha degmada Huriwaa waxa la diley 31 March 2007
• Xassan Cali Farey: farey oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Howlwadaag waxa la diley June 2 2007 isagoo ka soo baxay Masjid.
• Abuukar Xusseen Bandaas: Bandaas oo ahaa gudoomiyaha degmada Shibis waxa la diley 14 June 2007
• Cismaan Cali: Oo ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada Huriwaa waxa la diley 2 June 2007
• Xassan Axmed Xassan: Gudoomiye ku xigeenkii degmada Afgooye waxa la diley 14 July 2007.
• Eng. Max'ed Xasan Kulmiye: Kulmiye oo ahaa madaxa ururka CRD waxa lagu diley Beledweyne 22 June 2008
• 3 Ogosto 2008: Miino ay Alshabaab ku qariyeen qashin dhexdiis ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 24 haween masaakiin ah oo ka shaqeynayey nadaafada.
• Macali Haaruun Macalin Yuusuf: Macalinka oo ahaa hogaamiye dhaqameed waxa lagu diley agagaarka gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho 18 Ogosto 2007
• Maxamed Cismaan Maye: Maye oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada baydhabo 8 Sept 2008 isagoo markaa ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Cishaha.
• Maxamuud Xassan: Waxa uu ahaa nabadoon waxana 16 Sept 2007 ku diley degmada Wadajir niman hubeysan.
• General Axmed Jilacow Caddow: Jilacow oo ka mid ahaan jirey madaxda hey,adii sirdoonka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada Muqdisho 5 Okt 2008
• Cumar Dheere: Cumar oo ahaa gudoomiyaha ganacsatada Suuqbacaad waxa la diley 28 Okt 2008
• Qaraxyadii Hargeysa iyo Boosaaso: 29 Okt 2008 waxa qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof.
• Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire: Waldiire oo ka mid ahaan jirey madaxda isbaheysiga dooxada Juba waxa lagu toogtay Kismaayo 15 January 2009 ka dib markii ay maxkamad Alshabaab ah ay ku xukuntay dil iyagoo ku eedeeyey inuu ridoobay basaasna ahaa
• Cubeyd Maxamuud Maxamed: Qarax miino oo ka dhacay degmada Shibis ayaa 11 march 2009 lagu diley Cubeyd Maxamuud Maxamed oo ahaan jirey madaxa amaanka raiisulwasaare Cali M. Geedi. Cubeyd waxa la dhintay 2 nin oo walkaalihiis ah.
Qaraxii Baladweyne: 18 June 2009 waxa baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa lagu weeraray hotel Madiina ee magaalada Beledweyne waxa halkaasi ku dhintay 80 qof oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka waxa dadkii la geeriyooday ka mid ahaa, Cabdikariin Faarax Laqanyo
• G/le sare Maxamed Barre Fiidow
• G/sare. Maxamed Cabdi Yarow (shanle)
• G/sare Cumar Xassan Dhudi
• Colonel/ Yuusuf Xusseen (Timocade)
• Nabadoon/ Faarax Cabdulle Fiidow
• Nabadoon/ Xassan Biriqow
• Nabadoon/ Xassan Cilmi Hurre
• Nabadoon/ Axmed Carabey
• Nabadoon/ Cilmi Shire
• Abwaan/ Maxamed Cabdi Cibaar
• Abwaan/ Cabdidhuux Guure Cali
• Ganacsade/ Buule Xaashi Aaden
• Eng/Cabdifitaax Cali Xaydar
• Qaraxii Hotel Shaamo: 3 Dec 2009 waxa nin ismiidaamiyey uu isku qarxiyey xaflad qalin jebin ah oo ka dhaceysay Hotel Shamo waxana halkaa ku geeriyooday 24 qof oo ay ka mid ahaayeen 3 wasiir oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. Dadka ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamo oo u badnaa arday ka baxday jaamacada Banaadir waxa ka mid ahaa.
• Wasiirkii Tacliinta Sare: Prof Ibraahin Xassan Cadow
• Wasiirkii Caafimaadka: Drs Qamar Aaden Cali
• Wasiirkii Waxbarashada: Axmed Cabdullaahi Waayeel
• Dr. Maxamed Warsame Shahiid:
Fiiro gaar ah: Alshabaab waxa ay dilalkan intooda badan fuliyeen intii ay ku hoos jireen deleda dhaq dhaqaaqii loogu yeeri jirey maxkamadihii Islaamka ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ah madaxweynaha Soomaaliya. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa (Calooli wixii ay ku bukootay kuma bogsooto) markaa waxan is weydiinayaa nimankii shalay u sheegay dhalinyaradan ”dadka laaya janadaad geleysaane” alifayna mas,alada ah (Hebel Waa Ridoobay) ma keeni karaan dawo looga baxo argagaxa ay Alshabaab ku hayaan Soomaalida. Jawaabtu waa Maya, Maya, Maya
“Carab dalab leh liisaan dulmiya
Xaajo dacareysan Xaq la duugay
Been loo dukaday dabin la qoolaayo
Gacan doogan dey deyn ku gaar dad is qiyaamaaya
Aduunkiba hadii aan dayay oon dib uga faalooday
Waa dabin hunguri loo dhigtay oo daacad laga waayey”
Cabdulle Raage Taraawiil
Ilaahow Towfiiq iyo Nabad
Dadka ay dileen Alshabaab halkan laguma soo koobi karo marka wixii aan ka tagay sixid u furan wixii aan qaldayna halaga raali ahaado. Hana la ogaado in dhacdooyinka la qorayo oo maalin uun la is xisaabin doono.
Qalinkii Yasin Hussein Mohamed
USA
Wixii talo iyo Tusaale ah iigu soo dirjaaw44@hotmail.com