
2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo , ma ah eray la iska yiraahdo , ma ah mid bilaawda March oo dhamaanaya May , ogaaw waa beri ,waa shalay , waa maanta waa mar waliba.
3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay ,haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay ,haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto lol .
4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).
5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo inta qoraxda qaboow ka noqoneyso xidigahana ka baaba`ayaan .
6- macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)
7- Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan ku hayo kugu soo dhiibo Pastman (kuwo warqadaha qaada) balse waxa uu igu yiri aad ayuu u culus yahay.
Aqriste sidee u aragtaa fariimahaan waa inoo muhiim fikirkaada , horyaalnews.blogspot u adeegaha buslahda waa hoyga arimaha bulshada .
Waad ku mahadsantihiin Waqtigiina qaaliga ah ee aad inoo hurteen anigana waan idin kaga mahad celinaynaa