Pages

Taariikhda Uu Dhashay & Waxbarasho Ee R/Wazaare (FarmaaJo)-Oo Kooban

Magaceyga waxaa la yiraahdaa (Max’ed C/llahi Max’ed(Farmaajo)-. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho 1962. Waxaan dugsiga hoose ugu baxay Goorta –Sheekh ama 1da luulyo. Dugsigiisa dhexe waxaan ku dhammeystay iskoolkii loo yaqaanay
Maxamud Xarbi, kan sarena waxaa ugu baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole. Waxaan shaqa ka billaabay wasaaradda arrimaha dibedda dabayaaqadii sanadkii 1982, waxaa aan ka howl galay Archivio (Central Archive) Muddo yar kadibna waxaa aan ku wareegay xaffiiska maamulka lacata, halkaas oo aan ka ahaa xisaabye (Auditor). Horaantii Sanadkii 1985, waxaa la ii badalay safaaradda Somaliya ee magaalada Washington D.C., ee dalka Mareykanka. Halkaa waxaa aan mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaaradda. Sannadku markuu ahaa 1988, waxaa la igu amray inaan iska xaadiriyo xarunta wasaaradda ee Xamar, waxaanse go’aan ku gaaray in waxbarashadeyda dhameysto, dalka Marakaykana weydiisto magan galyo siyaasadeed, arrimo siyaasadeed darted. Tacliinta sare ee heerka jaamacadda waxaa aab jy dhameystay Jaamacadda ku taala magaalada Buffalo ee gobolka New York (State University of New York Buffalo) Isla magaaladdan ayaa ka qatay shaahada takhasusuka ah ee loo yaqaano Master’s Degree. Takhasusukeygu waxaa ka mid ah: Cilmiga Siyaasadda, Xiriirka Adduunka, Dhaqaalaha, Xuquuqda Addamiga, Cilmiga Baadi Goobka nabadda, Horrumarinta Dadwaynaha iyo Shacabka, iyo Xirfadda Hoggaamiyaha laga rabo (Leadership) Waxaan kaloo jagooyin sar sare ka soo qabtay Dowladda Hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie County oo iyaduna ka tirsan gobolkaan. Jagooyinkaas waxaan ku xusayaa halkaan: Sabadja markuu ahaa 1994 waxaa la ii doortay Buffalo Housing Commissioner, ama Kumasaariyaha waaxda Guryaha ee magaalada Buffalo. Waxaan halkaas ka noqday Guddoonka arrimaha shaqaalaha, oo shaqadeydu aheyd horumarinta iyo daryeelka shaqaalah. Hay’adda waxaa ka shaqeynayey dad ka badan 500 oo qof. Shaqaalahaas oo isugu jiray int u dhaxeysa karraani ilaa Agaasime. Isla muddadaas waxaa Mayor-ka ama Duqa magaalada igu magacaabay Project Manager, Waaxda Dib-u-soo Nooleyna Magaalada (Buffalo Renewal Agency) Sanadka 2000-2002, waxaa Guuddoomiyaha Degmada Erie )Erie County Executive) uu igu magacaabay is ku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirade badan yahay (miniroty) eek u nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator) ee gobolka New York. Halkaas waxaa ka caawiyey ganacsato aad u fara badan, uuna u fududeeyey sidii ay ugala heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas. Waxaan maamulayey dhaqaale ka badan $100 Million oo loogu talagalay in lagu hor mariyo dadka laga tiro badan yahay. Sanadka 2002- Present, waxaa Governer-kii hore ee la oran jiray George Pataki igu magacaabay in aan maamule u noqdo xafiiska xuquuqda insaanka ee wasaaradda Gaadiidka ee gobolka New York (RTegional Civil Rights Manager of NY State Department of Transportation), howshayduna waxay tahay in aan ilaaliyo xad gudubka lagu sameeyn karo dadka laga tirade badan yahay (loona yaqaano minority) waxaan region-kan loo qoondeeyey sanad walba dhaqaale gaaraya $400 million oo ah horumarinta degmada, hadaba waxaan mas’uul ka ahay oo aan maamulaa dhaqaale dhan $80 million oo dollar, oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadkaas laga badan yahay (Affirmative Action) Waxaa intaas dheer, waxaan Prof. ka ahaa Jaamacadda la yiraahdo State University of New York ar Erie Community College. Waxaan dhigaa cilmiyo kala duwan oo ku taxaluqa horumarinta bini’aadanka waxaan ka mid ah maddooyinka aan baxsho: Leader-ship Skills, Project Management, Art of thinking, and Negotiation and Conflict of Resolution. Waxa kale oo aan xubin muuqato uga jiraa dhanka siyaadda dalkan oo aan si toos ah iyo si dadban u wada shaqeynaa U.S Senators, U.S Representatives From New York State iyo siyaasiyiin kale duwan oo ku xiran gobolkan oo aan oran karo waa wax ku ool marka loo baahdo.